Somaliland oo eedaysay Puntland

Image

HARGAYSA- MaamulkaSomaliland, ayaa  Puntland ugu ku eedayay inuu soo faro galiyay deegaano kamid ah xuduudda ay sheegato, iyagoo tilmaamay in ciidamada Puntland kusoo xad gudbeen deegaanka Buuro-wadal ee gobolka Sool.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo arrintan ka hadlay, ayaa u digay Puntland, isagoo sheegay in maamulka Puntland  hayso deegaannada Bariga Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxay ka digaysaa farogelinta qaawan ee maamul-goboleedka Puntland ka wado xuduudaha Bbari ee Somaliland, iyadoo Puntland bilowday deegaamayn ay ka samaynayso deegaanka Buuro-wadal oo katirsan gobolka Sool. Somaliland faraha kama laabanayso ilaalinta xuduudaheeda, waxa ayna Puntand ugu baaqaysaa inay ciidamadeeda iyo dadka rayidka ah ee halkaas lagu soo daldalayoba kala baxaan,”Ayuu yiri wasiir Caddaani.

Wasiirku ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Puntland looga baahan yahay inay nabadgelyada il gaar ah ku eegaan, waxana uu intaas ku daray   in wixii colaad ah ee halkaas ka dhalata masuuliyadeeda qaadi maamulka Puntland.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland oo kusaabsan arrinta Somaliland ku eedaysay.

Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan waxa ka taagan muran badan, waxana labada dhinac mid waliba kan kale ku eedeeyaa inuu haysto dhul aanu xaq ulahayn, taas oo keenta in gacan ka hadal yimaaddo mar-marka qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM