Somaliland oo faah-faahisay heshiiska DP World

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ay hareer taagnaayeen wasiirrada Qorshaynta iyo Maaliyadda maamulkaas ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyo labo ah oo ay shalay ku saxiixeen waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay galeen labo heshiis oo mid kamid ah uu ahaa saddex Geeshood ay qayb ka tahay Ethiopia, halka kan kale ay wada galeen Imaaraadka iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay in heshiiska saddex geedoodka ah uu ahaa midka ballaarinta dekedda Ber-bera, kaasoo uu tilmaamay inuu guul ku soo dhammaaday islamarkaan laga miro dhaliyay hadafkii ay mudada dheer ka shaqaynayeen ee ahaa in dalku yeesho dekedo badan oo kafaalo qaada shaqada badan ee maamulkaas ka socda sida uu hadalka u yiri.

Heshiiska labaad oo u dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka, ayuu sheegay inuu yahay mid lagu hirgalinayay Suuqa Xorta ah oo uu xusay inuu yahay mid shaqo abuur badan u hor seedaya shacabka Somaliland, wuxuuna xusay in qorshahaas uu saamaxayo in xor ah looga ganacsado caalamka.

Mashaariicdan ayuu tilmaamay inay bilaaban doonaan sanandkan islamarkaana ay ka faa'iidaysan doonaan dowlad iyo shacab intaba.

Mar uu ka hadlayay waxa ay ka faa'iidayaan dhinaca Ethiopia hadii lagu daray heshiiska dekedda Ber-bera, wuxuu tilmaamay inay dhisi doonaan jidka isku xira Ethiopia iyo Somaliland ee Wajaale, kaasoo uu xusay inuu yahayd mid faa'iido u leh ganacsiga.

Wuxuu sidoo kale xusay in loo iib-gaynayo waxa kasoo daga Somaliland dalka Ethiopia oo uu sheegay inu kala dhaxeeyo heshiis qoto dheer.

Hadalkan ayaa yimid xilli maanta DFS kasoo hor jeesatay heshiiska saddex geesoodka ah ee dhexmaray dhinacyadaas kaasoo ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM