Somaliland oo go'aan ka qaadatey Wadahadalka dowladda Federaalka [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan kula shalay magaalada Hargeysa, wafdi uu horkacayo ku xigeenka wakiilka Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya, Fulgencio Garrido iyo saraakiil kale.

Labadda mas'uul ayaa kulankooda waxay diiradda ku saareen dhinacyo badan oo quseeya siyaasada, arrimaha bulshada, wadahadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyo waliba isbedalka Geeska Afrika.

Shirka kadib, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Biixi ayaa lagu fahfaahiyay natiijada kulanka, oo lagu tilmaamay inay kasoo baxeen qodobo muhiim u ah, kuwaasi oo wax ku ool u ahaa dhinacyadda.

Sida laga soo xigtay qoraalka, Muuse Biixi ayaa u sheegay wafdiga in maamulkiisa uu diyaar u yahay in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda ay ka galayaan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, ayna noqdaan kuwa hir-gela.

“Balse, madaxwaynuhu [wuxuu ku dhaliilay xukuumada Muqdiho] inay mar kasta ka jeceshay hagar-daamada iyo turan-turada [qarannimada] Somaliland oo ay ku foogan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa lagu xusay warka qoraalka ah inuu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya inaanu marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac, si loosoo afjaro waxay kala tabanayaan.

Hadalkaan Muuse Biixi ayaa kusoo aaday xili ay dhowr jeer ku cel-celisay dowlada Soomaaliya in dib loo bilaabayo wadahadalka Somaliland, ee lagu baadi goobayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Somaliland oo sheegata inay tahay dowlada ka madax-banaan Soomaaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-dii markaasi oo uu dalku ka dhacay dagaal sokeeye, ayaa ku hungowday inay hesho ictiraaq dhinaca beesha caalamka.

Mucaaradka ayaa ku dhaleeceeyay xukuumadihii ugu dambeeyay oo uu soo dhisayay xisbiga haatan talada haya ee KULMIYE in gaabis xoogan oo dhankooda ka yimid ay Somaliland wali aqoonsi la’aan la tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM