Somaliland oo ka hadashay dacwadda dowladda Soomaaliya ka gudbisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dacwaddii dhawaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u gudbisay Gollaha Amaanka, kaasi oo kaga ashtakootey Saldhigga Militeri ee Dekedda Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Dacwadda loo gudbiyay Gollaha Amaanka aysan waxba u dhimeynin Heshiisyada ay galeen iyo kuwa ay gali doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka taliso dhulkeeda, Hawadeeda iyo Badeeda, islamarkaana ay tahay ay tahay sida uu hadalka u dhigay "dal madax-banaan."

Dr Sacad ayaa tilmaamay in Dacwadda dowladda Soomaaliya ay tahay mid nasiib darro ah, oo sii kala fogeynaysa labada dhinac oo u socday wadahadal kahad ku jira oo ay uga wada hadlayaan arrimada madaxbanaanida ay sheeganayso Somaliland.

Hadalka Wasiir Sacad ayaa kusoo beegmaya xilli habeen kahor uu Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cabdi Cismaan uu Gollaha Ammaanka u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Imaaraaadka iyo Saldhiga Milateri ee Berbera.

Danjiraha ayaa ka codsaday Gollaha inay tallaabo ka qaadaan Imaaraadka, oo uu ku eedeeyay in Heshiis ay la gashay maamul ka dhisan Soomaaliya, taasina ay dhaawacaysa sharuucda caalamiga ah iyo madaxbanaanida dalka. 

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan joojiyay qorshe uu doonayay inuu dib loogu soo nooleeyo wadahadalladii ay kula joreen dowaldda Soomaaliya, kadib markii Xukuumadda Khayre ay sharci darro ku tilmaantay Heshiiska Saddex geedooska ah ee Dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM