Somaliland oo ka hadashay dagaalka Tukaraq

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaal saaka waabarigii hore ka qarxay degmada Tukaraq oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ahna Afhayeenk Xukuumadda, Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo la hadlayay wakaaladda wararka maamulkaas ee SOLNA, ayaa dagaalka ku eedeeyay inay soo qaatay Puntland.

“Marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan,” ayuu wasiiirku.

Guri Barwaaqu wuxuu sheegay in iyagoo ka faa’iidaysanaya duufaantii ka dhacday Somaliland oo ay mas’uul ku yihiin shacab iyo dowladba ay soo weerareen ciidamadooda ku sugan Tukaraq.

“Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen,” Guri Barwaaqo ayaa yiri.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sii waramaya wuxuu tilmaamay in ciidankooda laga soo weeraray saddex meelood laakiin ay ka guulaysteen ciidamada Puntland.

“Ciidamada Puntland saddex meelood weerar kaga soo qaadeen Ciidamada Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yiri.

Dhinaca kale war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay weerarka soo qaadeen waabarigii hore ee saaka, waxaana intaas lagu daray in mas’uuliyadda dagaalkaas ay leedahay xukuumadda fadhigeedu yahay Hargaysa, sida hadalka loo dhigay.

Wararka ka imaanaya Tukaraq ayaa sheegaya in dagaalku hakad galay, inkastoo wali la maqlayo rasaas goos goos ah, waxaana jira khasaaro xooggan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Majirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta dagaalkaas iyo natiijadiisa marka laga yimaado sheegashada labada maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM