Somaliland oo loo sameynayo nidaam ay ku helayso deeqaha UN-ka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in ay Somaliland u sameynayso nidaam gaar ah oo ay ku helayso deeqaha caalamiga ah ee UN-ka.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in nidaamkani uu ka madax banaaneenayo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Mr Biixi oo la hadlayay labada Aqal ee baarlamaanka Axadii ayaa shaaciyay in loo sameeyay yabooh lacageed oo gaaraya 150 milyan oo dollar.

"Taageerada lacageed oo ah shanta sano ee soo aadan waxaa loogu talagalay [dhismaha] wadooyinka iyo mashaariicda horumarinta," ayuu yiri Biixi.

Dhamaan mashruucyadaasi waxaa fulin doona Sanduuqa Horumarinta Somaliland, sida uu ka dhawaajiyay Biixi.

Marka laga yimaado sheegashada Biixi ma jirto xaqiijin illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa xili ay horey u beenowday hadalo kasoo yeeray.

Muuse Biixi ayaa sheegay in 18-ka bishaan Maaj ee laga soo gudbay ay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay ka dhici doonan caasimada dalka Ghana balse aanan qabsoomin.

Hadalka hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah ayaa imaanaya xili xukuumada Muqdisho ay xayiraad ka saartay Hargeysa taageerada dunida.

Dowlada Federaalka ah ayaa ka dalbatay caalamka in iyada loosoo mariyo dhaqaalaha iyo mashaariicyada la siinayo maamulka Somaliland.

Mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxwayne Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay talaabadaasi mid cunaqabteyn dhaqaale lagu saarayo Somaliland.

Xeel-dheerayaasha ayaa aaminsan in hadii ay suurtogasho in Qaramada Midoobo nidaamka gaarka ah u sameyso Somaliland ay dharbaaxo ku noqoneysa Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM