Somaliland oo shaacisay khasaaraha duufaantii Sagar

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa soo bandhigay tirakoobka rasmiga ah ee Duufaantii Sagar ee ku dhufatay degaanada Waqooyi bishii May ee sanadkaan 2018, taasoo geysatay khasaarooyin kala duwan oo Dad iyo Duunyo saameysay.

Feysal Cali Sheekh oo ah Maareeyaha Hay’adda Kahortagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in wadarta dadka ay saameysay Duufaanta ay gaareyso 90,000 [90-kun oo qof], kuwaasoo u badan Dad reer miyi ah.

Guryo lagu qiyaasay 1,459 ayuu sheegay inay cagta marisay Duufaanta, isagoo intaasi ku darey inay sidoo kale burburisay 12 Ceelal biyood, kuwaasoo ku yaallay gobolada Salal, Awdal, Gebiley, Maroodijeex, Saaxil, Sanaag iyo Laas-qoray.

- Khasaaraha Dhimasho -

Feysal Cali ayaa xusay in 56 qof ah, kuwaasoo ay ku jiraan caruur iyo Haween ay ku dhinteen Duufanta, isagoo carabka ku dhuftay in badi dadka geeriyooday la la'yahay meydadkooda sababo ku aadan inay qaadeen Daadka ka dhashay Roobabka.

Roobkii Dabaly-laha watay ayuu hadalkiisa raaciyay inuu diley xoolo tiradoodu gaareyso 310,000, kuwaasoo 6,000 oo kamid ah ay yihiin Geel, halka 500 ay Lo' ahaayeen, kuwaasoo dadkii lahaa aanan wali la gaarsiinin wax gargaar ah.

- Burburka Hantiyadeed -

1,459 guri oo isugu jirey daaro, carshaan iyo teendhooyin ayuu Maareeyaha tibaaxay inay burburisay Duufaanta isagoo intaas ku daray wado dhererkeedu gaaraysa 211-KM uu burbur xooggan soo gaaray.

"Ujeedka aan xog uruurintaan u sameynay waxay tahay si gargaarka saxda ah loo gaarsiiyo dadkii ku waxyeeloobay, waxaana ku rajo waxyn nahay inaan dadkaan u gurmano," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Maareeyaha Hay’adda.

Duufaanta Sagar oo ka timid dhanka Badweynta Hindiya, ayaa lagu tilmaamay inay ahayd tii ugu xumayd inta la ogyahay taariikhda ku dhufata xeebaha dalka Soomaaliya, inkastoo ay saameysay Yemen, Ethiopia iyo Djibouti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM