Somaliland oo Sideed nin ku xukuntay dil toogasho

Image

HARYGAYSA, Somaliland- Maxkamadda ciidamada qalabka sida maamulka Somaliland ayaa maanta xukun ku riday 16 ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen weerar horraantii bishii saddexaad lagu dilay taliyihii qaybta Boliiska degmada Ber-bera ee gobolka Saahil.

Xukunkan oo maanta dhacay waxa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma'arke.

16-kaasi qof ayaa Siddeed kamid ah, waxaa maxkamadu ku riday dil toogasho.

Gudoomiyaha maxkamadu wuxuu sheegay in siddeed nin oo kale oo isla degaankasi ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba todoba sano oo xarig ciidan ah, maadaama ay weerareen tuulada ceel-garde sanadkan horaantiisii.

Xukunkaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay qareenka difaacayay raggan oo lagu magacaabo Maxamed Jamac Cabdi, wuxuuna sheegay inaysan sharci ahayn in dadkaan oo shacab ah lagu maxkamadeeyo maxkamad ciidan, isagoo sheegay inuu ka qaadan doono racfaan.

Xukunkan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe soo baxayeen dilal loo gaysanayo saraakiil ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM