Somaliland oo sii daysay dhallinyaro darbijiif ah oo ay ajaaniib ku jiraan

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamadda Racfaanka ee magaaladda Hargeysa ayaa Jimcadii amartay in xorriyadooda loo celiyo 20 dhalinyaro oo darbi jiif ah markii ay ku waysay dambiga lagu soo eedeeyay.

Wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada maamulka Somaliland ayaa dhalinyarada kusoo eedaysay arbushaad xafiiska wasaaradda bishii hore ee Febraayo.

Maxkamad ku taalla caasimada maamulka gooni isu taaga ah ayaa 2-dii bishaasi ku xukuntay dhalinyarada min lix bilood oo xarig ah, iyada oo aanu jirin qareen difaacayay.

Waddani, xisbiga mucaaradka ah, oo qareen u qabtay dhalintaasi ayaa wuxuu u qaaday Racfaan, taasoo ugu dambeyntii go’aan lagu sii daayey uu kasoo baxay.

Da’yartaan ayaa sidoo kale wajahayey dacwad la xiriirta in ay adeegsadeen maandooriye, inkasta oo la laalay eedayntaasi.

Sida laga soo xigtay qareenka difaacayay, dhalinyaradda ayaa waxaa ku jira qaar ay da’doodu ka yar tahay 15-sano jir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinta ay ku jiraan qaar ajnabi ah, kuwaasi oo u dhashay wadanka Itoobiya kana soo jeeda qowmiyada Oromada.

Xubnaha u ol'olaleeya arrimaha caruurta iyo xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay Maxkamadda Racfaanka ridday.

Guuleed Axmed Jaamac, oo ah Garyaqaan, ayaa sheegay in dhalinyarada ay u tageen xafiiska wasaarada si ay loo caawiyo, balse xarig loogu bedalay.

Garyaqaanka ayaa rumeysan in talaabadan ay fadeexad ku tahay hogaanka ugu sareeya ee wasaarada, wuxuuna ku tartarsiiyay in gebigooda ay si casilaan.

"Waxay geliyeen xabsi nabadgelyo, waana fadeexad," ayuu Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay koontada uu ku leeyahay bogga Twitter-ka, waxyar kadib xukunka maxkamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM