Somaliland oo war kasoo saartay shirka Brassels iyo colaada Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa war qoraal ah kasoo saarey shirka Belgium ee arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmay Brussels iyo colaadda Tukaraq.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa daboolka looga qaaday in Somaliland u hogaan-sameyso dalabka beesha caalamka, kaasoo ahaa in xabad-joojin laga hirgeliyo Tukaraq, wadahalna la galaan Puntland.

"Waxaa naga go'an inaan tix-gelinaya codsiga beesha caalamka, ee ah in xabad-joojin laga dhaqan geliyo Tukaraq, oo miiska wadahadalka lagu dhameeyo wixii khilaaf ah" ayaa lagu yiri bayaanka Muuse Biixi.

- Shirka Brussels -

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay shirka ka furmay maanta Brassels, kaasoo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeybgalayaan madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka.

"Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana khuseeyo Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe," ayuu Muuse Bixii ku yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayuu sheegay inaysan u hogaansami doonin natiijada kasoo baxda Shirka Brussels, oo lagu wado in maalinta berri ah, 17-ka July lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xilli shalay lagu arkay Brussels Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka ee [UCID] Faysal Cali Waraabe, iyadoo aan caddeyn inuu halkaasi u tagey ka qeyb-galka Shirka socda.

Dowladaha iyo hay'adaha deeqaha dhaqaale siiya Soomaaliya ayaa dhawaan loo gudbiyay dalab ah inay joojiyaan gebi ahaanba qoondadii Somaliland la siinayay tan iyo 2013-kii, taasi oo aan la ogeyn inay her-geli doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM