​Somaliland oo xusaysa 25-sano guuradeeda

Image

HARGAYSA- Dabaal dagyo xooggan, ayaa kasocda magaalooyinka waaweyn ee maamulka Somaliland, kuwaasi oo ay ugu dabaal dagayaan 25-sano guuradii kasoo wareegtay waqtigii ay sheegeen inay ka go'een Somalia inteeda kale.

Magalada Hargaysa ee caasumadda u ah Somaliland, ayaa fantasiyaha ugu weyn kasocdaa, waxaana wadada weyne ee halbowlaha loo yaqaano maraya ciidamo, gaadiida iyo dadweyne kala matalaya qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo qaab qurux badan usoo labistay.

Madaxda maamulkaasi, ayaa fadhiya goob sare loo dhisay, iyagoo daawanaya dhoolo tusyada socda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacabka u jeedin doona khudbad uu uga hadlay arrimaha maamulkaasi.

Baraha bulshada ayaa todobaadkan aad looga dareemayay xuska 18-ka May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM