​Somaliland: Xaaladda Ber-bera oo kacsan

Image

HARGEYSA- Xaalad kacsanaan ah, ayaa ka jirta magaalo-xeebeedka Berbera, kadib markii ay shacabku si weyn uga biyo diideen tallaabada xukuumadda Somaliland ugu wareejisay shirkadda DPWorld dekedda Berbera.

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in taayirro tiro badan lagu gubay waddoooyinka halbawlaha ah ee magaalada, iyadoo aan si rasmi ah loo arkaynin cidda taayirrada gubaysa, balse ciidamo tiro badan oo dhinaca Hargeysa laga qaaday ayaa la arkayey iyagoo ku hawllan daminta dabka taayirrada ka dhashay.

Sidoo kale waddooyinka waaweyn ee magaalada Berbera, waxa si weyn loo dhoobay ciidamo aad u hubaysan, kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka ku dhaqan magaalada.

Maamulka degmadu wali wax war ah kama  uu soo saarin xaaladda magaalada Berbera ka taagan, marka laga tago ciidamada ay halkaas geeyeen, xili la doonayo in la bilaabo maalgelinta lagu samaynayo dekedda, waxana xusid mudan inay xabsiyada ku jiraan ugu yaraan shan dhallinyaro reer Saaxil ah oo hore u naqdiyey maalgelinta lagu samaynayo marsada Berbera.

Cabashada shacabka reer Berbera, ayaa kusoo beegmaysa xilli halkaas ku sugan yihiin saraakiil sarsare oo katirsan shirkadda DPWorld ee Imaaraadka Carabta laga leeyahay, kuwaas oo halkaas u joogo hawlo indho indhayn ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM