​Somaliland: Xaaladda Ber-bera oo kacsan

Image

HARGEYSA- Xaalad kacsanaan ah, ayaa ka jirta magaalo-xeebeedka Berbera, kadib markii ay shacabku si weyn uga biyo diideen tallaabada xukuumadda Somaliland ugu wareejisay shirkadda DPWorld dekedda Berbera.

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in taayirro tiro badan lagu gubay waddoooyinka halbawlaha ah ee magaalada, iyadoo aan si rasmi ah loo arkaynin cidda taayirrada gubaysa, balse ciidamo tiro badan oo dhinaca Hargeysa laga qaaday ayaa la arkayey iyagoo ku hawllan daminta dabka taayirrada ka dhashay.

Sidoo kale waddooyinka waaweyn ee magaalada Berbera, waxa si weyn loo dhoobay ciidamo aad u hubaysan, kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka ku dhaqan magaalada.

Maamulka degmadu wali wax war ah kama  uu soo saarin xaaladda magaalada Berbera ka taagan, marka laga tago ciidamada ay halkaas geeyeen, xili la doonayo in la bilaabo maalgelinta lagu samaynayo dekedda, waxana xusid mudan inay xabsiyada ku jiraan ugu yaraan shan dhallinyaro reer Saaxil ah oo hore u naqdiyey maalgelinta lagu samaynayo marsada Berbera.

Cabashada shacabka reer Berbera, ayaa kusoo beegmaysa xilli halkaas ku sugan yihiin saraakiil sarsare oo katirsan shirkadda DPWorld ee Imaaraadka Carabta laga leeyahay, kuwaas oo halkaas u joogo hawlo indho indhayn ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM