Somaliland: Xoghayihii Xisbiga Kulmiye oo lagu dilay Laascaanood

Image

LAASCAANOOD - Waxaa magaalada Laascaanood xalay fiidkii lagu dilay Xoghayihii Xisbiga haya talada ee maamulka Somaliland, ee gobolka Sool oo lagu magacaabi jiray Maxamed Barkhadle Cabdi.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in dabley hubaysan ay Xoghayaha ku toogteen Farmashi uu ku lahaa marxuumka xaafadda Daami, ee magaalada Laascaanood.

Dhagar-qabiyaasha dilay mas'uulkan ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, kahor inta aysan Ciidamada maamulka Somaliland soo gaarin halka uu falka dilka ah ka dhacay.

Weli macada cidda ka dameysa dilka iyo sababta, balse wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil, oo mudooyinkii dambe ka taagnaa magaalada Laascaanood.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal u dhaxeeya labo beelood oo ood-wadaag ah uu ka socdo degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag kaasi oo ay ku dhintaa ilaa hadda 14 qof oo labada dhinac iyo shacab isagu jira.

Colaadda uu salka ku haysa dhul-daaqsimeed ay labada beelood ku muransan yihiin, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Faalay.

Dagaalka ayaa dib u qarxay kadib markii mid kamid ah Beelahan oo la heshiisiiyay sanadkii tagey ay ka baxday heshiiska oo ahaa in diyada/magta dadkii ay isk dileen dagaalladii hore ay mudo cayiman ku kala qaataan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka, isagoo ku booriyay beelaha inay nabad qaataan, oo wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM