​Somaliland: Xuska 18 May oo kuwii hore ka duwan

Image

HARGEYSA- Guddida qabanqaabada xuska sanad­guurada 25­aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day, ayaa faahfaahin ka bixiyey hannaanka ay sanadkan ugu talo galeen in loo agaasimo munaasibaddaas.

Guddidu waxa ay shaaciyeen inay sanadkan hal­ku­dhegga loogu dabbaal degi doono u qaateen “Somaliland guulo qaran iyo qaayo lagu gaadh qarni rubucii”, taas oo ay sheegeen in lagu xusi doono munaasibaddan.

Sidoo kale waxa ay guddidu sheegay in munaasibadda sanadkani ka duwan tahay munaasibadihii hore loo xusi jirey, waxana ay tilmaameen in dhammaanba shacabka reer Somaliland saxiixi doonaan waraaqo ay ku muujinayaan rabitaankooda,(Petitions), waxana ay shacabka ugu baaqeen inay waraaqahaas saxeexaan.

Somaliland ayaa 18­kii bishii May ee sanadkii 1991­kii ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day, balse ilaa iyo haatan ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday dawladnimada ay sheegatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM