Taariikh Nololeedka Madaxweynaha cusub ee Somaliland

Image

HARGEYSA - Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhashey sanadkii 1948 ayaa inta uusan siyaasada ku soo biirin waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada cirka ee Soomaaliya sanadihii 1970 xiligaas oo uu dalka ka talinayey AHN Maxamad Siyaad Barre. sanadkii 2010 ayuu noqdey Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland halka November 2015 loo doortey Musharaxa xisbigaas si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha 5aad ee maamulkaas.

Waa Kuma Muuse Biixi?

Muuse Biixi ayaa Iskuulka ka dhigtey magaalooyinka Hargeysa iyo Camuud isagoo deeq waxbarasho u aadey wadamadii la isku oran jirey Soviet ( USSR) halkaasoo uu kaga baxay Jaamacada "Gagarin Air force". Markii uu soo dhameytey waxbarshada Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa dagaalkii dhexmari jirey dalka Soomaaliya iyo Ethiopia kaga qayb galay isagoo duuliye ka ah mid kamid ah diyaardaha dagaalka.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa sidoo kale waxbarasho ku qaatey dalka Mareykanka (US's West Point Academy) halkasoo ka qaatey darjada kale ee Jamacadeed.

1985, Muse Biixi waxaa uu ka tagey shaqadii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya isagoo ku biirey ururkii la oran jirey SNM kaasoo qayb ka ahaa jabhadihii xukunka ka tuurey AHN Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre.

Dhalashadii Somaliland Muuse Biixi ayaa ka qayb qaatey dib u heshiisiintii dagaalkii sokeeye ee ka dhacey Somaliland isagoo kulamo qabaa'ilka dhexdooda ah kaga qayb galey magaalooyinka Burco, Berbera, Sheekh iyo Borama.

1993, Muuse Biixi oo maanta ku guuleystey doorashadii Somaliland ka dhacdey 13 Nov, 2017 waxaa uu wasiirka arimaha Gudaha ka noqdey dowladii Madaxweynaha ka ahaa Maxamad Ibraahim Cigaal.

Muuse Biixi oo iminka jira 1968 ayaa lagu yaqanaa nin aan ka gaban waxaa uu damacsan yahay iyadoo dadka siyaasada kaga soo horjeeda ku tilmaamaan nin weli ku faruur xiran waqtigiii Jabhadeynta ay soo martey taariikhda Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan maamulka Somaliland isagoo aad u sheegta inuu kamid yahay mujaahidiinta ururka SNM.

Maxaa fududeeyay guusha Muuse Biixi?

Inkastoo uu guddiga doorashadu 10 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeertay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey?

Siyaasad iyo dhaqan

Midda ugu horraysa, murankana uusan ka taagnayn waa codadka la dhiibtay oo musharraxa xisbul-xaakimka uu ka helay 305,909 cod, kuwaa oo u dhigma 55.19%.

Wuxuu si wanaagsan oo weliba xeeladaysan u adeegsaday ololihiisa oo uu u isticmaalay hannaan siyaasadda iyo dhaqanka oo la isku dhafay. Tusaale ahaan, beel aan aad u taageersanayn, dhalasho ahaanna ay u siman yihiin isaga iyo ninka ay aadka isku hayeen ee C/raxmaan Cirro ayaa deegaan ay xoog lahaayeen waxaa lagu dhagaxyeeyey gaariga Muse Biixi (lama hubo inuu saarnaa).

Gogol ayuu u dhigtay isagoo xaal ka dalbaday maadaama aysan labada murashaxba beesha ka tirsanayn, wuxuuna ku saleeyey eeddiisa in isaga laga hiilliyey oo sabab la'aan lagu dhagaxyeeyey.

Markii la ogolaaday in la xaal mariyo ayuu yiri "waad mahadsan tihiin lacagna idinkagama baahni laakin igu xaal mariya codkiina oo isaga I siiya" waxaa la aaminsan yahay in beeshaas u codad aad u badan sidaa uga helay. Isla xagga dhaqanka oo siyaasadda Somaliland ay ku qotontana waxaa abtiyaal u ah beesha uu ka soo jeedo murashaxa mucaaradka.

Taageerada madaxweynaha xilka ka degaya iyo xisbiga talada haya ayaa kaalin weyn ka cayaaray inuu soo baxo.

Dagaalkii SNM

Waa nin Somaliland sumcad kaga dhex leh dagaalkii SNM oo uu ka mid ahaa raggii jabhaddaas soo hoggaamiyey. Sidaa awgeed bad badan oo reer Somaliland ah ayaa Biixi u arka in uu yahay in u soo halgamay, taasi oo uu codad badan ku kasbaday.

Go'aan adeyg

Dabeecad ahaan waa nin furfuran oo dadka yaqaanna ay ku tilmaameen in uu yahay nin la fahmi karo, waxna fahmi kara. Waxay kaloo ku tilmaameen inuu yahay nin go'aan adag oo aan ka laaban waxa u go'aansado. Taasi waxay keentay in uu isagu toos maamusho ololihiisa.

F.G: Xuquuqda isu soo ururinta taariikh nololeedkaan waxaa iska leh Warsidaha Garowe Online hadaad dib u daabaceyso kala soo xiriir: contact@garoweonline.com

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM