​Wadaad caan ah oo Hargaysa lagu xiray

Image

HARGEYSA- Ciidamo gaashaaman oo katirsan kuwa sirdoonka Somaliland, ayaa xalay xabsiga u taxaabay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan-sunni) oo kamid ah culimada magaalada Hargeysa ku nool.

Wararka laga helayo xarigga sheekh Sunni, ayaa sheegaya in goor saq dhexe ahayd aqalkiisa loogu dhacay, isla-markaana loo qaaday goob aan ilaa iyo hadda la aqoonsan.

Xadhigga wadaadkan wali kama aysan hadlin xukuumadd Somaliland, waxana xusid mudan in haatan ka hor sidan oo kale marar badan xabsiga loogu taxaabay sheekha.

Ninkan la xiray, ayaa inta badan Masaajidda ku yaalla caasimadda Hargeysa iyo goobo fagaarayaal ah ka jeediya khudbado uu ku dhaliilayo nidaamka reer galbeedka, isla-markaana uu kaga digayo dhibka lagu hayo dadka islaamka ah.

Ma jirto wax kiisas ah oo ay ciidamadu sheekhan ku caddeyeen xillliyadii hore ee ay xabsiga dhigeen, waxase arrinkiisa kusoo koobeen in baaritaan lagu sameeyay oo qura.

Sheekhan oo caan ka ah Hargaysa, ayaa waxaa la baxay ciidamada gaar ah ee u tababaran la dagaallanka Argagixisada kuwaasi oo loo yaqaano RRU.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM