​Wafdi kasocda Masar oo Hargaysa tagay

Image

HARGEYSA- Wafti heersare ah oo kasoday waddanka Masar ayaa soo gaaray caasimadda Somaliland ee Hargaysa, waxana si weyn usoo dhaweeyey saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waftigan oo ka kooban 12-xubnood oo uu hoggaaminayo kaaliyaha wasiirka u qaabilsan arrimaha Afrika, isla-markaana ay xubno ka ahaayeen diblomaasiyiin iyo saraakiil katirsan ciidamada badda iyo militeriga, ayaa ujeeddadooda lagu sheegay inay xiriir fiican oo labada dhinac ka dhexeeya ka wada hadli doonaan.

Maxamed Idriis oo ah hoggaamiyaha waftigan, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay imaatinka Somaliland, isagoo sidoo kalena carrabaabay in xiriir soo jireen ah ka dhexayn jirey labada dhinac.

Xubnaha waftigan oo kasoo kicitimay dhanka caasimadda Somalia ee Muqdisho, ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeelan doonaan ayaamaha Hargeysa joogaan hay’ado kala duwan oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo katirsan, iyagoo sidoo kalena heshiisyo dhinacyada ganacsiga iyo wada-shaqaynta ah la saxiixan doona.

Waddanka Masar ayaa kamid ahaa quwadihii xiriirka siyaasadeed kala dhacaysay Somalia, wuxuuna hadda doonayaa inuu soo ceshto taasi oo muddo dheer ka maqnad qaaradda Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM