Wariye Coldoon oo Maxkamad lasoo taagayo

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo tan iyo todobaadkii hore ku xirnaa magaalada Hargaysa xarunta Somaliland ayaa la qorshaynayaa in maanta lasoo taago maxkamad si loo qaado kiiska lagu haysto.

Inkastoo shalay la filayay in gal-dacwadeedkiisa uu ka furmo Hargaysa, hadana ma dhicin waxaana taas badalkeeda la qaaday mid kale oo lamid ah kaasoo lagu qaaday Agaasimaha Star TV oo xoriyadiisa ku helay dammaanad.

Waxaa lagu haystaa eedo ay kamid tahay kicin dadweyne iyo inuu ka shaqeeyay arrimo wax u dhimaya Madax-bannaanida Somaliland.

Qareenka u doodaya Wariye Coldoon ayaa la sheegay in laga hor istaagay inuu xarunta CID-da ku booqdo si ay uga wada hadlaan dacwaddiisa.

Xarigan ayaa todobaadkii hore lagula kacay wariyahan kadib markii uu kasoo laabtay magaalada Muqdishu oo uga qayb galay doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Dhawaan mar saraakiisha ammaanku ka hadlayeen Dambiga Coldoon, waxay sheegeen inuu yahay shakhsi u gafay qaranimada Somaliland islamarkaana lagu qaadi doono waajibaadka ciqaabka uu mutaystay.

Lama oga tallaabada ay maxkamaddu qaadi doonto, balse dadweynaha Somaliland qaybahooda danyarta ah oo aad u cawin jiray iyo wariyaasha ay isku mihnadda ay yihiin ayaa dalbanaya in la sii daayo.

Maamulka Somaliland oo sheegta inuu yahay waddanka gooni ah oo ka goostay Somaliland, ayaa falal hanjabadaad iyo xarig isugu jira kula kaca shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha Somalia, waxaan xabsiga sidoo kale ku jiray  Abwaano gabayo katiriyay doorashada Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM