Wasiir Sacad oo walaac ka muujiyay hadallada murashaxiinta Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay arrimo ku aadan loollanka doorasho ee maamulkaas ka socda iyo baahinya ka jira deegaanada Somaliland.

Sacad oo waraysi gaar ah siinayay telefishinka Somaliland, ayaa walaac ka muujiyay hadallada ay is-weydaarsanayaan murashaxiinta saddexda xisbi siyaasadeed, kuwaasoo sheegay inay meel uga dhacayaan hannaanka dimuqraadiyadda.

Wuxuu intaas raaciyay in weeraraha xanafta leh ee dhinacyadaas is-dhaafsanayaan sidoo kale niyad jabinayso hannaanka lagu raadinayo Somaliland.

"Hadda waxaad moodaa in hadal xajiimayn iyo xanaf leh inuu jiro oo aad moodo in wanaagii iyo quruxdii aan ku kasbanay ilaa hadda sida ay wax inoogu socdeen wasakheeyay oo uu saameeyay," sidaas waxaa yiri Sacad Cali Shire oo hadalkiisa kusii daray, "Cayda, dhaleecaynta iyo ceebayntu cod ma keenaan."

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay in siyaasiyiinta Somaliland ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara nidaamkan, isagoo hadallada hanafta leh ee ay is-dhaafsanayaan usoo jeediyay inay ku badaan ka hadalka baahiyaha waddanka ka jira.

Sidoo kale wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waraysigiisa ku sheegay in dhibaato xoog leh ay ka jirto gudaha Somaliland, taasoo ay ugu horaysay shaqo la'aanta oo uu tilmaamay in heerkii ugu sareeysay uu marayo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in kala bar carruurta Somaliland aysan waxbarasho aadin, halka umul raaca hooyada uu yahay meesha ugu horaysa caalamka.

Sacad Cali Shire ayaa carrabka ku dhuftay 50% dadka ku nool Somaliland ay helaan biyo nadiif ah, halka 10 carruur ah ee dhalata mid kamid ah uu geeriyoodo isagoo aan gaarin Shan sano.

Dhibaatooyinkaas uu shaaciyay Sacad Cali Shire ayuu ugu baaqay mas'uuliyiinta sharaxan inay diiradda saaran sidii wax looga qaban lahaa oo ay kusoo darsadaan ajandayaashooda siyaasadeedn.

Ugu dambayn, wuxuu tilmaamay in wasaaradiisu guulo la taaban karo ka gaartay hirgalinta heshiisyo caalami ah oo ay ku jirto wareejinta dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM