Xarun boolis oo laga dhisayo Somaliland

Image
Image
Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelaan doonaan taliska guud ee ciidamada booliska, taas oo ay maalgelisay dawaldda Ingiriiska.

Munaasabad kooban oo dhismahan lagu dhagax dhigayey ayaa lagu qabtay xarunta taliska ciidamada Booliska Somaliland waxana hadalo kooban ka jeediyey taliyaha guud ee booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cadde iyo waliba sarkaal sare oo katirsan Hay’adda DFID kuwaasoo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda dhismahani yeelan doono iyo sida uu wax badan uga dabooli doono baahida ciidamada booliska Somaliland qabaan.

Xaruntan la dhagax dhigay ayaa wax ka dhisan dhisme qadiimi ah oo dawladda Ingiriisku dhistay sanadkii 1936 waxana lagu beddeli doonaa mid casri ah oo dabaqyo ka kooban kaas oo yeelan doona waxyaabo badan oo ciidamada booliska iyo ammaanka saraakiisha muhiim u ah.

Dawladda ingiriiska ayaa si weyn Somalilnad uga caawinta dhinaca ciidamada, waxana marka laga tago dhismayaasha iyo siisaa tababarro joogto ah ciidamada RRD oo loogu talo galay argagixiso la dirirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM