Australia oo safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Australia ayaa safiir cusub oo rasmi ah u soo magacaabatay Soomaaliya, sidda ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah.

Marwo Alison Chartres ayaa markii ugu horeysay inta la og-yahay waxay todobaadkan timid Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika.

Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa danjiraha cusub ka gudoomay nuqulo kamid ah waqaadaha aqoonsiga.

Diblomaasiyiin Soomaali iyo Australia ah ayaa waxay goob joog ka ahaa munaasabadda gudoomidda aqoonsiga safiirnimo.

War-saxaafadeed wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in kulan ay kadib yeesheen looga arrin-saday xiriirka laabdda dal iyo sidii loo adkeyn lahaa.

"… sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu helay warsidaha Garowe Online.

Waa tuma Alison Chartres?

Chartres oo caasimadda Soomaaliya timid Talaaladii, 1-da October, ayaa waxay ka qeybgashay Shirka Bahwadaagta Soomaaliya ee Arbacadii lasoo afjaray.

Si lamid ah, waxay tahay danjiraha waddankeeda u qaabilsan dalalka kala ah; Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Burundi.

Intaas waxaa wehlisa in ay tahay Wakiilka Joogtada ah ee Australia u qaabilsan hay’addaha Qaramada Midoobay hoostaga ee UNEP iyo UN-Habitat.

Sikastaba ha ahaatee, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in ay kula kulanto Madaxtooyadda si ay ugu gudbiso aqoonsigeeda danjirenimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM