Farmaajo oo darajooyinkii ka xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa warsaxafadeed uu soo saarey ku sheegey in darajooyinkii ciidanka uu ka dhigey Taliye ku xigeenkii hay'ada Nabad sugida Sareeyo Guuto Cabdall Cabdalla Maxamad kadib markii dhowaan laga qaadey xilkii uu yahay.

Taliye ku xigeenka oo xilka ka qaadistiistiisu timid mudda gaaban ka hor inta aan loo magacaabin darajada agaasime ku xigeenka hay'adaan Fahad Yaasiin ayaa xafiiskiisa oo ku yaal gudaha xarunta NISA koox aan la aqoon jabsatey isagoo arinkaas wareysi ka siiyey Idaacada VOA qaybteeda Af-Soomaaliga. Halkaan ka dhageyso.

Wareysigaan kadib xiligaas oo Madaxweyne Farmaajo ka maqnaa ayaa qoraal kasoo baxay hay'adda ayaa Taliyaha waxaa laga ruqseeyey gabi ahaan hay'adda isagoo dhinaca kale laga qaadey waardiyahiisa gaarka. Lama oga sababta Madaxweyne Farmaajo Warsaxafadeed gaar ah ugu soo saarey darajo ka dhigida taliyahaan.


Hoos ka akhri warsaxafadeedka Madaxtooyada dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay'adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay'adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go'aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay'adda iyada oo la tix raacayo go'aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

"Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka." Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM