Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Warsaxaafadeedkan oo ku soo beegmaya 3 sano iyo 3 bilood kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu guudmar iyo qiimeyn ku samaynaynaa xaaladda dalka, isgoyska ay maanta taagan yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah, nidaam baarlamaani ah, iyo doorasho la isla oggol yahay oo 4tii sanaba mar dhacda. Waxaa ayaandarro ah in ay Soomaaliya maanta ku jirto firaaq dastuuri ah, maadaama uu Madaxweynuhu isku dayay in uu cutubyo ka mid ah dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay 2012kii u beddelo si baalmarsan hannaanka waxkabeddelka dastuurka. Nasiibdarro, dastuurkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed isku hayay maanta waa kala dhantaalan yahay, dalkana waxaa dastuur u ah rabitaanka gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
35 sano kahor waxaa dowladnimadii Soomaaliya galaaftay hoggaamiye xukunka isku dhejiyay, oo horay u laalay dastuurkii heshiiska lagu ahaa. 8 bilood iyo 25 maalmood ayaa maanta ka dhimman muddoxileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, welina lagama heshiin doorashada heer federaal ee soo socota, taas oo dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed. Waxaana caasimadda dalka ka socota diiwaangelinta doorasho aan heshiisna lagu ahayn, oo aan haysan sharciyad siyaasadeed iyo kalsooni shacab, kuna qotonta qasab, qori, iyo qafaal.
Waxaa maanta khatar weyn ku jirta midnimada dalka, waxaa go’ay xiriirkii ka dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo ay colaadisay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo horseedday kala irdhoow siyaasadeed, khilaaf hor leh, halis iyo hubanti la’aanna gelisay midnimada dalka.
Waxaa qeybo ka mid ah gobolada dalka maanta ka aloolsan xasarado iyo colaado ay hurisay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana ayaandarro ah in askar Soomaaliyeed oo loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada qaranka iyo la dagaallanka khawaarijta ay iyagoo dhexdooda dagaallamaya ay maanta dhufeyso uga jiraan gobolka Gedo.
Waxaa maanta xaalad adag ku jira ganacsiyada iyo dhaqaalaha dalka, waxaa haawanaya suuqyada ganacsiga, waxaana dalka dibaddiisa maalgashanaya ganacsato Soomaaliyeed oo hantidooda kala cararaya duruufaha qallafsan ee ay abuurtay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa xusid mudan in hoggaanxumada Madaxweynuhu ay horseedday in ay dalalka deriska ah ku sii qulqulayaan qoysas badan oo ka rajodhigay xaaladda murugsan ee maanta dalku ku jiro, halka ay badaha ku le’anayaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka quusatay masiirka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa xilka lagu aaminay iyadoo degmo, waax iyo xaafad kasta oo ka tirsan caasimadda dalka ay dowladdu ku leedahay dhulal danguud ah. Waa musiibo qaran in Madaxweynaha dalku uu maanta suuqa madow ku iibsanayo dhulkii danta guud ee ka dhexeeyay dadka Soomaaliyeed, qoray caaraddiisna ku barakicinayo shacabkii danyarta ahaa ee ku noolaa dhulalkan. Waxaana xusid mudan in boobka dhulka danta guud lagu sii ballarinayo dhulal ay leeyihiin dad shacab ah, awoodda dowladnimadana lagu boobayo dhul ay muwaadiniin Soomaaliyeed u haystaan lahaansho sharci ah.
Dowladda Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay kab iyo kaalmo caalami ah. Miisaaniyadda dowladda waxaa 67% bixiya deeqbixiyayaasha caalamka. Waxaanna ku nool nahay duni ay wax waliba isbeddelayaan oo aan go’aannada loo gaarin sidii horay loogu gaari jiray. Isbeddello waaweyn oo mudan in si xilkasnimo leh loola falgalana ay ka socdaan caalamka iyo gobolka geeska Afrika.
Musuqmaasuqa iyo habdhaqanka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay horseedeen in ay dunidu naga aamin baxdo oo ay dib-u-eegis ku sameyso dhaqaalihii ay ku bixin jiray Soomaaliya, waxaana ilaa hadda la baadigoobayaa, quusna laga taagan yahay dhaqaalihii lagu bixin lahaa ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee loo qoondeeyay Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in lagu fashilmay fulinta mashaariicdii horumarineed ee hay’adaha caalamiga ah u qoondeeyeen Soomaaliya, maadaama aanay dowladdu lahayn karti iyo hufnaan ay ku fuliso, taas oo horseedday in lacag nus bilyan doolar ku dhow ay dib ugu noqoto deeqbixiyayaasha caalamiga ah.
Waa kan qoraalkaaga oo lagu soo celiyay qaab dhibco leh (•), iyadoo meel bannaan (space) la dhax dhigay si akhriska loogu fududeeyo:
Lexajeclo badan ayaa naga haysa dalkeenna iyo dadkeenna:
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in aan maalin walba aragno hooyo Soomaaliyeed oo danyar ah oo ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ka barakacinayso dhulkii ay ku nooleyd.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in aan maalin walba aragno dhulkii danta guud oo lagu xarraashayo suuqa madoow, lagana saarayo diiwaanka hantida qaranka. Sidoo kalena, la boobayo dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo loo xoogsheeganayo oo la maquuninayo awood dowladeed.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in argagaxisadu la wareegayso dhul aan ku waynay halyeeyo qaran, halka ay dowladduna ku mashquulsan tahay in ay dhulkii danta guud kala wareegto shacab tabaalaysan oo ay ugu badan yihiin qoysaska ciidamada dalka ee noftooda u huraya difaaca qaranka.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in aan aragno askartii dowladda ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo la dagaallanka khawaarijta oo loo adeegsanayo barakacinta danyarta, ayna furimo uga jiraan xaafadaha iyo suuqyada caasimadda dalka.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in aan aragno askartii qaranka oo ku dagaallamaysa, iskuna laynaysa deegaanno nabad ah, si ay madaxda dowladdu ugu gaarto dano gaar ah iyo damac siyaasadeed.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in aan aragno ganacsatadii dalka oo hantidoodii kala hayaamaya Soomaaliya, qoysas bandanna ay ka haajiraan dalkooda hooyo, dhallinyaradii Soomaaliyeedna iyagoo quus ah ay naftooda ku biimaynayaan badaha.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in aan aragno askartii dowladda oo suuqyada, xaafadaha iyo waddooyinka ka qafaaleysa shacabka, si ay qasab iyo qoray caaraddii ugu diiwaangeliyaan.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in la kala dhantaalo midnimada dalka, lana abuuro tafaraaruq iyo khilaaf hor leh oo lagu kala gaynayo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in dhaqankii dowladda loo rogo yaa xoog leh kuna xiran dowladda, dowladnimaduna ay u sii xuubsiibanayso qandaraasyo laga xooleysto iyo musuqmaasuq xarkaha goostay.
• Waa na damqinaysaa, lamana aqbali karo in la illoobo ballanqaadyadii dimuqraadiyadeed, lana u adeegsado awoodda dowladda si lagu cabburiyo shacabka, laguna meersado hanti guud iyo masiirka ummad dhan.
Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha waxaan leeyahay wixii aan annaga iyo adiguba aan wadajir dalkan horay ugu qaadi waynay, kana diidnay Madaxweynihii adiga kaa horreeyay, adigana lagaa yeeli maayo, ee u tur dalka, dhulka dhig talada, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo samatabixiyo.
Waxaa qoray Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.