​Dib u milicso ballanqaadkii madaxweyne Gaas ee Nov, 2013

Image

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa hogaanka Puntland loo doortay horraantii sannadkii 2014 doorasho ka dhacday magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna waqtigii uu loollanka ku jiray sameeyay ballanqaadyo kala duwan oo badankood waxba ka hirgalin.

Arrimaha sida aadka ah madaxweyne Gaas waqtigaasi ugu ololeeynayay ayaa ahaa inuu wax ka qaban doono dhaliilo uu usoo jeedinayay madaxdii isaga ka horraysay, waxaana kow ka ahaa inuu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda hadalka.

Balse markii uu xilka qabtay, waxaa soo baxay tacadiyo kala duwan oo lagula kacay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Puntland, waxaana la xiray wariyaal, Telefishino iyo Idaacado iyadoo ay ugu dambaysay xarigga Radio Daljir iyo handadaad kasoo yeertay wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland.

Hadaba aan dib u milicsano madaxweyne Gaas mowqif caynkee ah ayuu ka taagnaa xuquuqda hadalka, Muxuuse ballanqaaday?, arrimahaasi oo idil wuxuu kaga hadlay waraysi November, 2013 uu siiyay Radio Daljir isagoo waqtigaas u sharaxnaa madaxweynaha Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ilaalin doono dastuurka dalka islamarkaana qof walba xor u leeyahay xuquuqda hadalka isagoo tusaale usoo qaatay inuu kusoo koray waddanka Dimuqraadi ah oo mas'uulka dalka ugu sarreeya lagula xisaabtamo wixii uu khaldo.

Wuxuu sheegay inaysan dhici doonin in qof shacab ah oo Puntland u dhashay loo xiri karin fikirkiisa isagoo tilmaamay in cid walba oo wax qabta ay aragtidooda ka dhiiban karto Telefishinnada ama Idaacadaha isagoo xusay in qof walba xaq u leeyahay inuu sheego wixii khaldan iyo wixii wanaagsan, balse muddo kadib waxaa xabsiga la dhigay siyaasiyiin dhaliilay maamulkiisa iyadoo dabadeedna la xiray wariyaal kale.

Gaas, ayaa xilligaasi ballanqaaday inuu ka fogaan doono cadaalad darro islamarkaana ay u sinnaan doonaan dhammaan dadka uu hogaamiyo, balse uusan noqon doonin madaxweyne qabali ah oo kala jeclaysta dadkiisa, wuxuuna taa badalkeeda sheegay inuu dadka la shaqeeya ku kala xulan doono aqoontooda iyo kartidooda.

Hadaba iyadoo taasi madaxweyne Gaas ballanqaaday, hadana markii uu xilka qabtay waxaa dadka la socda siyaasada Puntland rumeysan yihiin in Heer ka qabiil iyo kala qaybsanaanta shacabka mareyso meel sare iyadoo la rumeysan yahay inuu isku wareejiyey dad qabiil ahaan aad ugu dhow kuwasoo talooyinka ka siiya arimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo magacaabista howl_wadeenada dowlada.

Madaxweynaha Puntland oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Mudug ayaa shacabka ku nool ku eedeeyaan unuusan talada qaabka loo maamulayo gobolkaas wadaajin islamrkaana uu ka qaato shaqsiyaad gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM