Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda
GAROOWE, Puntland — Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayso xog tilmaamaysa in awoodo ka baxsan Puntland ay qayb ka noqon karaan dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Puntland, iyadoo ka digtay in arrintan loo adeegsan karo dano siyaasadeed iyo dhaqaale.
War-saxaafadeed ay soo saartay 21-ka Agoosto, Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ayaa si adag u cambaaraysay falalka burcad-badeednimada ee maalmihii dambe ka soo kordhay xeebaha Puntland.
“Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareynaysaa, ugana soo horjeeddaa ficillada burcad-badeednimada ah ee beryahaan dambe ka soo cusboonaaday xeebaha Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay baaritaan gaar ah ku hayso “xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgallada cusub ee Burcad-badeedda,” iyadoo intaas ku dartay in falalkaas laga yaabo in gabaad looga dhiganayo dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Puntland ma aysan magacaabin awoodaha ay uga shakisan tahay arrintan, mana aysan soo bandhigin faahfaahin ama caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan xogta ay sheegtay inay baarayso.
Dowladdu waxay sheegtay inay ka go’an tahay la dagaallanka burcad-badeedda, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan siiso dowladaha iyo dhinacyada kale ee ku hawlan sugidda amniga badaha. Waxay sidoo kale sheegtay in la hawlgeliyey laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta degmooyinka xeebaha si tallaabo looga qaado kooxaha burcad-badeedda.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyey duqeymo ay Puntland sheegtay in maraakiib dagaal oo caalami ah ka geysteen deegaanno u dhow xeebaha lagu haysto maraakiibta ay afduubteen burcad-badeeddu.
Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga amni ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda, iyadoo ku baaqday in howlgal kasta si gaar ah looga ilaaliyo dadka rayidka ah iyo hantidooda.
Dowladdu waxay si gaar ah uga dalbatay dowladaha leh maraakiibta dagaal ee caalamiga ah inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan ujeeddada duqeymo ay sheegtay in 18-kii iyo 20-kii Agoosto 2026 laga fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal, kuwaas oo sida war-saxaafadeedku sheegay lagu beegsaday kalluumeysato iyo hantidooda.
Puntland waxay ugu dambeyn sheegtay inay soo dhoweynayso cid kasta oo diyaar u ah inay kala shaqeyso la dagaallanka burcad-badeednimada iyo sidii loo soo celin lahaa xorriyadda maraakiibta ay kooxaha burcad-badeeddu gacanta ku hayaan.
GAROWE ONLINE