Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday
GAROWE, Soomaaliya — Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa badbaadiyey markabka shidaalka ee Honor 25 iyo shaqaalihii la socday, kadib howlgal ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhowr burcad-badeed ah la qabtay.
Afhayeen u hadlay dowladda Puntland ayaa sheegay in ciidamada badda ay howlgalka ku qabteen burcad-badeed dhowr ah. Qaar kale ayaa ku dhaawacmay iska horimaad dhex maray ciidamada iyo burcad-badeedda, sida uu sheegay afhayeenku.
Howlgalkan ayaa noqonaya markabkii labaad ee dhowr maalmood gudahood ciidamada Puntland ay ka badbaadiyaan burcad-badeed, xilli ay xeebaha Soomaaliya ka soo cusboonaadeen weerarrada iyo afduubka maraakiibta.
Markabka Honor 25, oo ku safrayay calanka dalka Palau, ayaa waxaa saarnaa shaqaale u badan muwaadiniin ka soo jeeda Pakistan, Indonesia iyo Sri Lanka. Markabka ayaa la afduubtay 21-kii Abriil xilli uu ku sii jeeday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka, xamuulka shidaalka iyo shaqaalihii saarnaa.
Weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ayaa sanadkan mar kale kordhay, kadib hoos u dhac ku yimid marka loo eego sannadihii 2000-meeyadii oo ay aad u badnaayeen afduubyada maraakiibta.
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa hore uga digtay in heerka khatarta burcad-badeednimo ee biyaha Soomaaliya uu si weyn u kordhay, iyadoo maraakiibta ganacsiga loogu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
GAROWE ONLINE