Wasiir ku xigeenka amniga Puntland oo qof ku dhaawacey arimaha doorashada

Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasiir ku xigeenka Amniga Dawladda Puntland ayaa maanta dhawac u geystay qof kamid ah qarabada ergada ka qaybgalaysa dorashada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.

Taalabadaan ayaa timid kadib markii maalmahaan kor u kacdey faragalinta xukuumada Puntland ku hayso hanaanka doorashada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia. 

Faragalinta oo noocyo kala duwan ah ayaa  isugu jirta is-hortaagid lagu sameynayo ergooyinka beeleha, musharaxiinta oo loo diidayo iney ka qayb galaan tartanka doorasho iyo gacan ka hadal wata cabsi galin. 

Gacan ka hadalkaan hubeysan ayaa yimid kadib markii wasiir ku xigeenka wasarada amniga  Cabdicasiis Adan Guul bistoolad ku ridey Dr. Cabdiraxman Maxamad Xaji Maxmud oo uu dhaley Caaqil Maxamad Xaaji Maxamud. 

Guul ayaa sidoo kale ah ku simaha wasiirka amniga Puntland oo arimo caafimaad u jira dalka dibadiisa. 

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumada Madaxweyne Gaas si toos ah doorashadii beelaha qaar faragalin maaliyadeed ku sameeyeen ergooyinka. 

Xukuumada Madaxweyne Gaas oo gacan saar la leh qaar ka tirsan musharaxiin xilka Madaxweynaha Somalia ku sugan magaalada Muqdishu ayaa lacago farabadan siineysay ergooyinka qaar madaama ay dabada ka riixayeen xubno ku soo baxaan xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM