Dastuurka Federaalka Soomaaliya Muxuu Ka Qabaa Xaaladda Deg Dega Ah?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii magaalada Muqdisho uu ka dhacey qarax lagu soo rakibey gaari kuwa xamuulka ah kasoo diley dad gaaraya 358 qof dhaawaceyna 228 ayaa Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo qoraal uu u direy madaxda labada aqal ee Barlamanada kaga dalbadey in kulan isugu yimadaan maalinta Sabtida 21 Oct,2017.

Qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya u direy madaxa aqalka sare kasoo ahaa mid aan saxaafada loogu talagalin ayaa waxaa xaqiijiyey Ra'isal wasaare Khayre mar uu maalintii shaley kulan la qaadanayey qaar ka tirsan dhalinyarada gurmadka Muqdisho isagoo xusey in Mudane Farmaajo hortagayo Barlamanka maalinta Sabtida isagoo ku dhawaaqi doona xaalad deg deg ah/ xaalad dagaal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalka uu u direy gudoonka aqalka sare ku xusey qodobka 87aad farqadiisa 1aad xarafka "a" iyo farqada 2aad, isagoo dhinaca kale cuskadey qodobka 90aad xarfihiisa "a", "g", "h", "I", halka sidoo kale soo hadal qaadey qodobada 55 aad, 56aad xarafka "a" iyo qodobka 71aad.

Qodobka 90aad ee Dastuurka KMG ah Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlaya awoodaha iyo xilka Madaxweynaha Jamuuriyada iyadoo farqadahiisa " A" iyo "B"ka hadleyaan in Madaxweynuhu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah iyo Xaalad dagaal si waafaqsan sharciga halka farqada "B" ka hadleyso inuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida.

Dhinaca kale qodobka 71aad ee Dastuurka KMG ah ayaa ka hadlaya shaqada aqalka sare iyo awoodaha uu leeyahay iyadoo dadka la socda siyaasada aaminsan yihiin in qodobkaan u cuskadey Madaxweynihu si uu uga leexdo la xiriirka madaxda maamulada marka uu soo rogayo xaalada deg deg ah maadaama aqalka sare yahay midka isagu matala dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe.

Xaaladda deg deg ah iyo dastuurka KMG ah waxaa uu ka qabo

Xaalada deg deg ah dastuurka Federaalka Soomaaliya ee KMG ah waxaa ka hadlaya qodobka 131aad ee dastuurka Federaalka KMG ah kasoo leh ilaa 7 farqadood kuwasoo xaqiijinaya qaab sharciyeedka loo marayo soo rogisteeda.

Farqada Kowaad ee qodobka 131aad ayaa waxaa uu leeyahay sida-tan:Xaalad degdeg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama--maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo,, kala -dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo degdeg ah oo ba’an..

Dastuurka ayaa qodobkiisa 131aad farqadiisa 2aad sidoo kale ku sheegaya in xaalada de deg ah lagaga dhawaaqi karo dalka oo dhan ama meel gaar ah waxaana uu ka yiri sidatan:Xaalad degdeg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka,, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda..

Dhinaca kale qodobkaan ayaa dalbanaya in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in codsigaan marka hore la soo mariyo golaha Wasiirada kagana doodaan kulamadooda kadib u soo gudbiyaan go'aankooda golayaasha Barlamanka Federaalka Soomaaliya kuwasoo ku ansaxin doona muddo 21 cisho gudahood ah marka lagu dhawaaqo xaalada deg deg ah.Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta..

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ah kuwo aan weli fariisan islamarkaana aan ka hadlin xaalada qaraxa Muqdisho iyadoo kulankii Khamiista dhici jirey la baajiyey asbuucii lasoo dhaafey.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa April, 2017 ku dhawaaqey xaalad dagaal isaga oo markaas ka jawaabaya qarax ka dhacey magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Hoos ka akhri qodobka 131aad oo ka hadlaya soo rogista xaalad deg deg ah:

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM