​Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo xukuntay raggii dilay Sheekh Madeer

Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia ayaa saaka xukuno kala duwan waxay ku riday saddex nin oo Sheekh caan ah ku dilay Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Liibaan Cali Yarow, ayaa uga dhawaaqay magaalada Baydhabo go'aanka Maxmadda ee lagu riday saddexda qof oo kala ah Maxamad Aadan Cali (Booroow), Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case), iyo Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab).

War kasoo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in raggan lagu helay dembiga lagu soo eedeeyay ee ah inay ku dileen Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow banaanka Masjid ku yaalla Baydhabo bishii Ramadanka.

Maxkamadda waxay ku xukuntay  Maxamad Aadan Cali (Booroow) Dil Toogasho ah,  Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) iyo Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab) waxay ku wada xukuntay Xabsi Daa'in.

Xukunkan horey waxaa u gaartey Maxkamadda darajada kowaad, ee ciidamada qalabka sida, balse 

Raggan ayaa racfaan ka qaatay isla xukunkan, oo horey ay ugu riday Maxkamadda darajada kowaad, ee ciidamada qalabka sida, waxayna Maxkamadda sare, ku raacday xukunkiii horey loogu riday.

Ehelada Marxuum Sheekh Madeer, ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday dadkaan dambiilayaasha ah ee dilay Sheekh Madeer, xilli uu ku tukanaayay Sheekh Aadan Wariish ee magaalada Baydhabo.

Go'aanka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida:-

MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay soo qorteen:-

1) Maxamad Aadan Cali (Booroow) 22 jir ah Ina Khadiijo Macalin Maxamad ku dhashay Bakool . 2) Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case) 23 jir ah Ina Makaay Isaaq Keeroow ku dhashay Bakool . 3) Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab) 28 jir ah Ina Xabiibo Maxamad ku dhashay Waajid Degan Baydhabo.

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo Qodobada. 434, 221 XCS. oo lid ku ah Racfaanlayaasha.

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qodobka 60aad ay ku xukuntay Racfaanlayaasha .

MARKAY ARAGTAY: qiraalka racfaanle Maxamad Aadan Cali (Booroow) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab isla-markaana uu 2 xabad ku dhuftay Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow oo ku jira salaada Taraawiixda gudaha Masaajidka Sheekh Aadan Wariish asagoo gacan ka helaya racfaanlayaal Ilka-Case iyo , Qoor-gaab .

Markay Aragtay:- qiraalka racfaanle Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab isla-markaana lagu soo qabtay Bastoolad Makaaroof ah howshaasna uu gacan ku siinaaye Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab).

MARKAY DHAGAYSATAY: Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda marag furkii ay bixiyeen oo ahaa in ay soo qabteen racfaanlaha 1aad (Booroow) ayna gurigiisa kasoo qaadeen bastoolad makaarof ah iyo hal bambo f1 ah, sidoo kale racfaanlaha 2aad ( ilka-case) ay kasoo qaadeen gurigiisa hal bastoolad oo makaaroof ah, waxay sheegeen maragu in labadaba u sheegeen in uu la shaqeeyo racfaanle {qoorgaab} una qaabilsanaa inuu soo sahmiyo qofka la dilaayo asagana uu soo sahmiyay sh. madeer madgaab si loo dilo

MARKAY DHAGAYSATAY:- Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDAWAXAA U CADAATAY:

In Racfaanlayaasha kala ah: 1- Maxamad Aadan Cali (Booroow). 2- Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case). 3- Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab) ay wada yihiin dembiilayaal galay dembigii lagu soo oogay.

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA WAXAY KU RAACDAY

Xukunkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qQodobka 60aad horey ugu xukuntay oo ahaa:-

1- Maxamad Aadan Cali (Booroow) waxay ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow.

2- Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) iyo Xasan Cabdullaahi Ibraahim (Qoor-gaab) waxay ku wada xukuntay Xabsi Daa'in.

GAROWEONLINE

Related Articles

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM