Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa faray Hey’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta, waxana ay tilmaamtay in dalka ay ka di’i karaan roobab daad iyo fatahaado wata, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada.

Golaha ayaa sidoo kale, ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan jiinka Wabiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Shirka Golaha ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyey iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM