51 qof oo toogasho loogu xukumay dilka khuburo UN-ka ah

Image
Xukumaneyaasha waxaa kamid ah mas'uul ka tirsan hay'ada socdaalka iyo korneyl ciidan.

KINSHASA, DRC Congo - Ku dhawaad ​​50 qof ayaa Sabtidii lagu xukumay dil toogasho gudaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas oo soo xigatay illo wareedyo dhowr ah.

Shaqsiyaadkan ayaa, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqul insaanka, lala xiriirinayaa dilka khubaro u shaqeynayey Qaramada Midoobay - Zaida Catalan iyo Michael Sharp - sanadkii 2017-kii.

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee deegaanka ayaa ka mid ahaa dadka lagu xukumay dil halka kornayl ciidan lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, ayuu yiri Thomas Fessy, oo ah cilmi baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Congo.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa si weyn waxay u ilaalisay hakinta ciqaabta dilka ah tan iyo 2003 markaas kuwa la xukumay waxa ay mutaysan doonaan xabsi daa’im.

Laakin Fessy iyo Catalan qoysaskooda ayaa sheegtay in baarayaashu ay iska indhatireen ku lug lahaanshaha suurtagalka ah ee saraakiisha heerka sare ah maxkamaduna aysan shaacin runta.

Catalan oo Iswidhish ah iyo Sharp oo Mareykan ah ayaa baarayay rabshado ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku dhexmaray bartamaha gobolka Kasai bishii March sanadkii 2017.

Xilligaas ayaa rag hubeysan wadada ku joojiyey, kadibna ay gudaha ula galeen beer halkaasoo la rumeysan yahay in lagu toogtay muwaadiniintan u kala dhashay dalalkan dhaca reer Galbeedka.

Saraakiisha Congo ayaa dilkan ku eedeeyay maleeshiyada Kamuina Nsapu. Markii hore waxay beeniyeen in wax dowlad ah ay ku lug lahaayeen balse markii dambe ay xireen Korneylka iyo saraakiil kale oo badan oo ay sheegeen in ay la shaqeynayeen jabhadda.

Kaddib dacwad socotay ku dhawaad ​​shan sano oo ay hareeyeen dib u dhacyo soo noq-noqday iyo dhimashada dhowr eedaysane oo xabsiga ku jiray, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Kananga ayaa xukunka riday Sabtidii shalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM