Abiy Axmed oo booqasho uga billaabatey dalal ku yaalla Yurub

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Faransiiska, halkaasi uu uga billaabatey booqasho uu ku tagayo dalal ku yaalla Yurub.

Waxuu Axmed Axmed magaalada Paris kula kulmi doonaa Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan xiriirka labada dalka iyo sidoo Faransiiska u xoojin lahaa maal-gashiga Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa Lugta labaad ee safarkiisa ku tagi doona Jarmalka, isagoo la filayo inuu wadahadal la yeesho dhigiisa dalkaasi Angela Merkel.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Abiy Axmed uu kulan gaar ah la qaato in ka badan 25,000 oo Ganacsato kasoo jeeda dalalka Yurub, oo ku dhiira-gelin doon maalgashiga Itoobiya.

Socdaalka Abiy Axmed ee Yurub oo loogu magacdaray "Wadajir aan ku dhisno mustaqbalka" ayaa timid kadib markii uu casuumaad ka helay hogaamiye-yaasha qaar ee dowladaha Yurub, oo daneeya arrimaha Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM