Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya oo si lama filaan ah isku-casishay

Image

ADDIS ABABA - Afhayeenka Gollaha Baarlamaanka ee wadanka Itoobiya, marwo Muferiat Kamil ayaa saacado kahor oo maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqday ka degtay xilkii ay haysay sanadihii udambeeyay.

Mudanayaasha soo xaadiray Fadhiga Sharcidejinta dalkaan ku yaala Geeska Afrika ayaa ka aqbalay soo jeedinta Kamil, taasi oo siyaasadda Itoobiya galaan-gal faro badan ku leh.

Is-casilaadaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xiliMuferiat Kamil loo magacaabay Wasiirka Nabadda, taasi oo ah Wasaarad cusub oo uu sameeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Marwo Kamil ayaa la filayaa inay dhowaan xilkaan la wareegto, xili sameynteeda ay imaanayso iyadda oo gobolku ka socdo dadaalo lagu soo afjaro colaadaha gaamuray ee jira.

Muferiat Kamil oo ay siyaasi rug-cadaa ah ayaa sidoo kale ah Gudoomiyaha SEPDM, kaasi oo kamid ah afarta xisbi ee uu ka sameysan yahay Isbaheysiga ka arrmiya Itoobiya ee loosoo gaabiyo EPRDF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM