Al-Shabaab oo weerar dhimasho horseeday ka fulisay Kenya

Image
Lix qof oo rayid ah ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen dhacdadan.

NAIROBI, Kenya - Dagaalameyaal loo maleynayo Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar gaadmo ah ka fuliyey qaybo kamid ah Kenya, sida ay kuwa warantay warbaahinta maxaliga ah.

Irungu Macharia, taliyaha booliska gobolka xeebta dhaca ee Lamu, ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ka dhacay aagga Majembeni isla markaana dableyda ay gubeen dhowr guri rayid ah.

Macharia ayaa intaas ku daray in lix qof ay ku dhinteen dhacdadaas. Mid kamid ayuu xusay in faas lagu dilay. Afarta kale ayuu shaaca ka dhigay in ay ku gubteen guriyihii ay ku jireen.

"Baaritaano ayaan ku bilownay meesha ay kasoo bilowdeen dhacdooyinkan foosha xun. Waxaana dadweynaha ku boorinaynaa in ay nala shaqeeyaan," auu hoosta ka xariiqay Macharia.

Inta la og-yahay, falkan ayaa wuxuu noqonayaa weerarkii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu bilowdey sanadkan cusub 2022-ka ay dagaalameyaasha hubeysan ka geystaan waddanka Kenya.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa joogitaan culus waxay ku leedahay Kenya gaar ahaan goboladda xuduudka la leh Soomaaliya oo saldhigoodu yahay.

Kenya ayaa kamid ah dowladaha ciidamadda ku tabarucay howlgalka hoostaga Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo muddo xileedkiisa uu dhamaadey balse cusbooneysiin aan caddeyn loo sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM