Baaritaan lagu bilaabay diyaarad "u hanjabtey" rakaabkii saarnaa

Image
Shirkadda Lufthansa Airlines ayaa markii dambe waxay raaligelin ka bixisay "xadgudubkan".

ABUJA, Nigeria - Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ah ee Nigeria ayaa bilowday baaritaanno la xiriira xadgudubka lagu eedeeyay shirkadda diyaaradaha ee Jarmalka ee Lufthansa Airlines.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in diyaarada ay Jimcihii la soo dhaafay uu ku hanjabtay in ay u yeereyso booliiska ka dib markii rakaabka, oo duulimaadkoodii dib loo dhigay, ay codsadeen khidmad u helida joogitaankooda.

Duulimaadka oo ka soo kicitimay Frankfurt kuna sii jeeday Lagos oo la doonayay in ay ku timaado garoonka caalamiga ah ee Murtala Muhammed ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u dhac ku yimid kadib markii ay u weecday magaalada Cotonou ee dalka Benin iyo Malabo ee dalka Equatorial Guinea.

Lufthansa ayaa raaligelin ka bixisay daahitaanka duulimaadka kadib wareegto ay u dirtay rakaabkeeda Jimcihii la soo dhaafay. Rakaabku waxay ku doodeen in gegida diyaaradaha ee Lagos aan la xidhin, taasoo lid ku ah sheegashadii duuliyaha Lufthansa.

Diyaaraddan ayaa waxaa saarnaa 200 ruux kuwaasoo qaar badan oo kamid ah ay gudbiyeen cabasho ay ku dalbanayaan in baaritaan lagu sameeyay kiiskan, sidda booliska uu sheegay.

Sam Adurogboye, oo ah sarkaalka arrimaha bulshada ee NCAA, ayaa Khamiistii sheegay in mas'uuliyiinta ay bilaabeen baaritaanka arrintan ka dib markii ay cabashooyin ka heleen rakaabka.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa BBC u sheegay in ay baarayaan sida ay wax u dhaceen. Hase ahaatee, waxa uu ka gaabsadey in uu kala caddeeyo mowqifkooda natiijadda baaritaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM