Baarlamaanka Koonfur Afrika oo ansixiyey mooshin ka dhan ah Israa'iil

Image
Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaan weli ka jawaabin tallaabada Koonfur Afrika.

CAPE TOWN, South Africa - Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa u codeeyay mooshin hoos u dhigaya safaaradda Israa'iil oo laga dhigayo xafiis xiriiriye, "ka dib xadgudubyo aan dhammaad lahayn oo ka dhan ah Falastiiniyiinta", sidda ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

"Waxaan rajeyneynaa in tani ay noqon doonto tallaabadii ugu horeysay ee cadaadis lagu saaro Israa'iil si ay ugu hoggaansamaan xuquuqda aadanaha, aqoonsadaan xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, xuquuqdooda ay u leeyihiin inay jiraan, iyo sidoo kale in ay dib ugu noqdaan miiska wadahadalka," ayay IOL news ka soo xigtay Axmed Munzoor Shaik Emam oo ah hogaamiyaha xisbiga Freedom Party (NFP). 208 mudane ayaa u codeeyay mooshinkan oo ay diideen 94 mudane.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee MRN ayaa ku ammaanay Shaik Emam iyo xisbiga NFP inay soo bandhigeen waxa ay ku tilmaameen "geesinimo iyo dhaqdhaqaaq muhiim ah oo midnimo loogu muujinayo Falastiin".

“Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa xukuumadda inay si degdeg ah u fuliso mooshinkan muhiimka ah," ayuu yiri Ahmed Haroon Jazbhay, oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta MRN.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaan weli ka jawaabin tallaabada Koonfur Afrika. Dad badan oo Koonfur Afrikaan ah, oo uu ku jiro xisbiga talada haya ee African National Congress Party (ANC), ayaa taageersan halganka Falastiin.

Koonfur Afrika ayaa waxay xiriir diblumaasiyadeed la yeelatay Falastiin sannadkii 1995 -- sanad kadib markii uu dhammaaday xukunkii caddaanka tirada yar.

Tan iyo markaas, Pretoria waxa ay aad u dhaleecaysay xadgudubka joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Falastiiniyiinta, oo ay ku jirto siyaasaddeeda soo jireenka ah ee dhisidda deegaamaynta sharci darrada ah ee Yuhuudda ee dhulka Carabta ee la haysto ee Daanta Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM