Booliska oo xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka [Akhri Sababta]

Image

JIGJIGA - Laamaha amniga ee magaalada Jigjiga ayaa lagu waramayaa inay xabsiga dhigeen Xildhibaanad Nasra Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya.

Ma cadda sababta ka dambeysay xariga Nasra, balse wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay kamid tahay koox Xildhibaano ah oo kasoo horjeedo Madaxweyne Mustafa, islamarkaana wali daacad u ah Cabdi Illey, oo hadda ku jira xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Hay'addaha nabad-gelyadda ma jiro qoraal ay kasoo saareen arrinkani, kaasi oo ay ku fahfaahinayaa sababaha keenay inay xorriyada ka qaadaan.

Balse, Sharci-dejiye Yuusuf Cilmi Isaaq oo ka tirsan Gollaha Baarlamaanka oo u waramay Idaacadda BBC-da gaar ahaan laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ugu baaqay laamaha amaanka inay ka hadlaan.

Isaaq ayaa tibaaxay in maadaama isbedalka ka dhacay degaanka iyo maamulka talaada la wareegay ay balanqaadeen cadaalad iyo isla-xisaabtan ay muhiim tahay inay caddeyaan waxa lagu haysto.

Isagoo soo xiganaya xeerka, ayuu Mudanaha ku nuux-nuux saday in marka lasoo xirayo Xilldhibaan ay tahay in loo maro qaab sharci ah, islamarkaana kahor laga qaado xasaanadda.

Xariga Xilldhibaan Xasan ayaa imaanaya iyadda oo dhowaan Madaxwayne Mustafa Cagjar uu ka dhawaajiyay inay socdaan shaqsiyaad ku lug leh tacadiyada ka dhacay degaanka oo baaritaano uu ku socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM