Boqor Salman oo martigelinaya saxiixa heshiiska Ethiopia iyo Eritrea

Image
Image
Image
Image

JEDDAH, Saudi Arabia - Hogaamiyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea, kuwaasoo soo afjaray colaad tobanaan sano dhextaalay ayaa gaarey caasimada Sacuudiga ee Jeddah, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka socdaalka Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki ayaa ah si ay halkaasi ugu soo saxiixaan heshiiska nabadda ee labadaan, kaasoo Sacuudiga dhaqan-galkiisu door muuqata ka qaatay.

Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska ayaa dhici doonta Axadda maanta ah, xili ay xubnaha kasoo muuqan doono ay kamid yihiin; xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Gutters iyo Madaxa Midowga Afrika, Mousa Faki.

Madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumer Geelle ayuu Warsidaha Garowe Online ogaadey in lagu casuumey ka qaybgalka xafladda, xili dowladda Soomaaliya oo xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga liito tan iyo khilaafka Khaliijka aanan la martiqaadin.

Bishii July ee sanadkaan ayey ahayd markii madaxda Ethiopia iyo Eritrea ay qalinka ku jiideen heshiis lagu soo afjaray colaaddii muddada labaatanka sanno u dhaxeysay labada dal, waxaana dib u soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Sacuudiga oo la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ayaa kaalin firfircoon ku leh is beddelada ka socda gobolka Geeska Afrika taasi oo labajibaarantay muddooyinkii u dambeeyay.

Soomaliya oo qeyb ka ah dalalka qeybta ka ah Isbedelka gobolka Geeska Africa ka socda ayaanan Madaxweynaheeda lagu casuumin Shirka Jeddah, waxaana loo sababeynayaa khilaafka Villa Somalia iyo Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM