Burkina Faso oo ceyrisay labo wariye kasoo jeeda dalka Faransiiska

Image
Saxafiyiinta ayaa su'aallo la waydiiyey kahor inta aan lagu wargeliyey in la tarxiilayo.

NAIROBI, Kenya - Burkina Faso ayaa dalkeeda ka ceyrisay laba weriye oo u dhashay dalka Faransiiska oo u shaqeeya wargeysyada Le Monde iyo Liberation, sidda labada joornaal ay Axaddii sheegeen.

Labada majaladood ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta dalkaas inay doonayaan "inay cabburiyaan xorriyadda hadalka, iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo warbaahinta dibadda".

Liberation ayaa xustey in wariyaheeda Agnès Faivre iyo Le Monde's Sophie Douce ay yimaadeen Paris horaantii Axadii ka dib markii si gooni gooni ah loogu yeeray si ay su'aalo u weydiiyaan mas'uuliyiinta militariga Jimcihii kadibna lagu wargeliyay ceyrintooda.

"Labaduba waa saxafiyiin daacad ah, kuwaas oo si sharci ah uga soo shaqeeyay Burkina Faso, iyagoo haysta fiisooyin sax ah iyo aqoonsiyo ... Waxaan si adag uga soo horjeednaa cayrintan aan sababta lahayn," ayay Liberation ku tiri bayaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Burkina Faso, mana suurtagelin in aan helno si aan wax uga weydiinno. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska isla markiiba kama aysan jawaabin codsi faallo ah.

Xiriirka u dhexeeya Paris iyo Ouagadougou ayaa aad u xumaaday tan iyo markii militariga Burkina Faso ay awoodda kula wareegeen afgambi bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Ciidamada Milatariga Burkina Faso ayaa tan iyo markii ay amar ku bixiyeen in ciidamada Faransiiska ay isaga baxaan dalkaasi, waxaana la joojiyay baahinta idaacada iyo talefishinka Faransiiska ee RFI ee France 24.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM