Burkina Faso: Weerar qarax loo adeegsaday oo lagu laayay 51 askari

Image
Hogaamiye kasta oo milatari ah waxa uu wacad ku maray in uu joojin doono weeraradan balse kuma guuleysan.

NAIROBI, Kenya - Tirada dhimashada weerar ay mitidiin ku qaadeen cutubyo katirsan ciidamada Burkina Faso ee ku sugan waqooyiga dalkaasi ayaa gaartay 51, sida ay sheegeen saraakiisha militariga, kadib markii la helay 43 meyd oo cusub.

Cutubyo ka tirsan milatariga ayaa todobaadkii hore lagu weeraray gobolka dhaca Sahel ee Oudalan, oo u dhexeeya magaalooyinka Deou iyo Oursi, sida uu sheegay millatariga Burkinabe.

Sidda laga soo xigtey qiraalka ciidamada xukunka haya, ciidamo gurmad ah ayaa loo diray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale la geeyay dhaawacyada tiro aan la cayimin.

Dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa muddo toddobo sano ah waxaa ka socday rabshado xiriir la leh Al-Qaacida iyo kooxda ISIL, kuwaasoo dilay kumannaan qof, ku dhawaad ​​2 milyan oo qofna ay ku barakaceen, ayna sababeen dhibaatooyin bani'aadamnimo.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaa ku guul dareystay in ay si hufan wax uga qabtaan dhibaatada dhacday, waxaana sanadkii hore dhacay labo afgambi.

Hogaamiye kasta oo milatari ah waxa uu wacad ku maray in uu joojin doono weerarada, isla markaana uu ammaanka dalka sugi doono, inkastoo aan lagu guuleysan.

Weerarka todobaadkii hore ayaa yimid xilli ilaa 400 oo askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ay ka baxayeen Burkina Faso, hal bil ka dib markii ay dowladda junta ku amartay inay ka baxaan — iyagoo raacaya dariiqa deriskooda Mali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM