Burundi oo 3 sano kadib xayiraadda ka qaaday Ideecadda BBC-da

Image

BURUNDI - Maamulka warbaahinta dalka Burundi ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in ay ka qaadayaan guud ahaan dalka oo dhan xayiraaddii saarneyd BBC-da, ku dhawaad saddex sano ka dib markii idaacadaasi lagu qasbay in ay joojiso howlaheeda shaqo ee dalka.

Golaha Isgaadhsiinta Qaranka ayaa sanadii 2019 aqoonsiga kala noqday ideecadda, iyagoo ku eedeeyay inay jabisay shuruucda saxaafadda iyo in ay ku kacday waxyaalo meel ka dhac ku ah qawaaniinta dalka.

"Waxaan gaadhnay go'aanka dib u furista idaacada BBC-da laga bilaabo maanta," ayuu yiri madaxa maamulka warbaahinta, Vestine Nahimana.

Ideecaddu waxa ay buuxisay shuruudihii ay dawladu dejisay, ayuu yidhi Nahimana, isaga oo intaa ku daray in madaxweyne Evariste Ndayishimiye uu bilaabay fududaynta xayiraadaha lagu soo rogay xarumaha warbaahinta.

VOA-da ayaa iyadana la hakiyay bishii May sanadii 2018, iyadoo la sheegay in aysan wali buuxinin shuruudaha dowladda ay u dajisay dib u furista xarumihii warbaahinta ee la xiray.

Labadan idaacadood ayaa shaqada laga joojiyay laba toddobaad ka hor intii aan la qaadin aftidii dastuuriga ahayd ee loogu talagalay in lagu kordhiyo muddo xileedka madaxweynihii hore ee Pierre Nkurunziza oo awood u siineysay inuu dalka sii xukumo illaa 2034.

Maamulaha warbaahinta ee ay dowladdu maamusho ayaa BBC-da ku eedeeyay in ay meel uga dhacday sumcadda Nkurunziza xilli uu socday barnaamij dood ah, waxa uuna sheegay in ideecadda ay iska dhego tirtay digniino hore.

Hakinta ayaa daba socotay baaritaan ay BBC-da ku sameysay goobo sir ah oo dowladda maamusho halkaas oo ay ku jirdilaan dadka mucaaradka ah si ay uga takhalusaan.

Dawladda ayaa beenisay warkaas, waxeyna ku tilmaantay "war been abuur ah."

Madaxweynihii dalka, Pierre Nkurunziza ayaa wadno xanuun u dhintay bishii Juun 2020.

Ka dib doorashadii Nkurunziza, wadamada reer galbeedka sida Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa dabciyey cunaqabateynti dalka saarneyd iyagoo kula balamay hufnaanta doorashada, yareynta rabshadaha iyo dib u habeynta dowladda inkastoo kooxaha u ololeeya xuquuqul insaanka ay ku adkeysanayaan in ay wali dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah aadanaha.

Ka hor inta aan la mamnuucin BBC-da iyo VOA-da, waxay maalin walba tabin jireen warar ku saabsan xaaladda dalka ayagoo ku hadlaya luqada dalka ee Kirundi iyo sidoo kale Faransiiska iyo Ingiriiska, waxaana ku xirnaan jiray dad aad u badan, gaar ahaan kuwa reer miyiga ah.

Burundi ayaa noqoneysa dalka ugu saboolsan caalamka marka la qiimeeyo dakhliga sanadlaha ee wadanka.

In badan oo ka mid ah wargeysyada maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ayaa laga mamnuucay wadanka waxaana la masaafuriyay suxufiyiin madax-banaan tan iyo qalalaasihii siyaasadeed ee 2015, taas ayaana ka dhigtay Burundi inay kasoo muuqato kaalinta koowaad ee waddamada aduunka ugu xun xorriyadda saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM