Milateriga Cameroon oo soo furtey 300 rayid ay afduubatay Boko Haram

Image
Dalalka Cameroon, Chad iyo Nigeria ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Boko Haram ay dib usoo laabanayaan.

NAIROBI, Kenya - Milateriga Cameroon ayaa toddobaadkan in ka badan 300 oo rayid ah oo laga soo badbaadiyay kooxda Boko Xaraam u raray xadka ay la wadaagaan Nigeria iyo Chad, sidda ay ku warantay VOA-da oo soo xigatay illo dhanka degaanka ah iyo warbaahinta gudaha.

Ciidamada ayaa sheegay in tiro badan oo kamid ah malayshiyaadka falaagada ah ee fadhigoodu yahay Nigeria lagu soo afjaray howlgal xuduudeedka loogu magac daray Alpha.

Oumar Fatime, oo 37 jir ah, ayaa u sheegtay millatariga Cameroon iyo saraakiisha sarsare ee dawladda in ay ahayd beeralayda khudaarta ee tuulada Ngouboua, ilaa 17-kii Abriil markaasoo dagaalyahanno aad u hubaysan oo Boko Haram ah ay afduubteen iyada iyo saddex xubnood oo qoyskeeda ah.

Ngouboua waa tuulo ku taal Chad kuna taal meel u dhow xeebta waqooyi bari ee harada Chad, waana goob biyood ay wadaagaan Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger.

Dalalka Cameroon, Chad iyo Nigeria ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Boko Haram ay dib ugu laabanayaan magaalooyin iyo tuulooyin ay ciidamada dowladdu isaga baxeen kadib markii ay sheegeen in awooda dagaalyahanada ay aad u yaraadeen, taasina ay muujineyso soo laabashada nabadda.

Saddexda waddan oo taageero ka helaya Beesha Caalamka ayaa sheegay in Boko Xaraam ay qorayso dagaalyahanno cusub ayna weerarto tuulooyinka si ay sahay u helaan.

Ugu yaraan 36,000 oo qof ayaa la dilay, 3 milyan oo kalena way ka carareen guryahoodii tan iyo sannadkii 2009, markaasoo dagaalka u dhexeeya ciidammada dawladda Nigeria iyo maleeshiyada Boko Haram uu ku fiday Cameroon, Niger iyo Chad, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM