Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Image

Addis Ababa — Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea, Suudaan iyo Masar ku eedaysay inay taageero siiyaan kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda, iyadoo dagaallada dib uga soo cusboonaaday waqooyiga dalkaasi ay ku fideen gobollo kale. Eedeymaha ayaa kordhiyey walaaca laga qabo in colaadda Itoobiya ay isu beddesho mid goboleed.

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay in qalalaasaha dalkiisa ay qayb ka yihiin “cadow taariikhi ah iyo kuwo hadda jira”. Waxa uu Eritrea ku tilmaamay isku xidhka dalalka dibadda—oo uu si gaar ah u magacaabay Suudaan iyo Masar—iyo kooxaha hubaysan ee ka hawlgala gudaha Itoobiya.

Eritrea, Suudaan iyo Masar ayaa dhammaantood beeniyey eedeymaha. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Nader Zaki, ayaa sheegay in siyaasadda Qaahira ay ku dhisan tahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dalalka, iyo inaan lagu faragelin arrimahooda gudaha. Waxa uu intaas ku daray in Masar ay diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Sarreeye Guuto Samir Farag oo hore uga tirsanaa hoggaanka milatariga Masar ayaa eedeymaha ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, isagoo sheegay in Masar aanay caado u lahayn faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka.

Milatariga Suudaan ayaa eedeymaha Itoobiya ku tilmaamay kuwo “aan sal iyo raad lahayn”, wuxuuna isaguna Addis Ababa ku eedeeyey inay taageerto xoogagga RSF ee la dagaallamaya ciidanka Suudaan tan iyo 2023. Itoobiya ayaa iyaduna beenisay eedeyntaas.

Xidhiidh horeba u kacsanaa

Eedeymaha cusub waxay kusoo beegmayaan iyadoo xidhiidhka Itoobiya iyo dalalka ay magacawday uu horeba u xumaaday sababo la xidhiidha muranno siyaasadeed iyo amni.

Masar iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya khilaaf muddo dheer soo jiitamayey oo ku saabsan Biyo-xidheenka Weyn ee Renaissance-ka Itoobiya (GERD). Tartanka labada dal ayaa sidoo kale ku fiday arrimaha amniga gobolka, Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Suudaan ayaa Itoobiya ku eedaysay inay siiso RSF tababar iyo sahay, isla markaana ay u oggolaato isticmaalka dhulkeeda. Xukuumadda Addis Ababa ayaa eedeymahaas beenisay.

Eritrea waxay ciidanka Itoobiya kala safnayd dagaalkii Tigray ee 2020 ilaa 2022, balse xidhiidhka labada dal ayaa tan iyo markaas sii xumaanayey. Asmara ayaa walaac ka muujisay dadaallada Itoobiya ee ay ku doonayso marin ay kaga hesho Badda Cas.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha iyo siyaasiyiinta mucaaradka Itoobiya ayaa aaminsan in dowladda Addis Ababa ay eedaha dibadda u jeedinayso si ay shacabka ugu mideyso ciidanka qaranka, iyadoo ay dalka ka jiraan dhibaatooyin gudaha ah.

Mohamed Selim, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha Afrika ee baarlamaanka Masar, ayaa sheegay in eedeymaha loo adeegsan karo in dareenka laga leexiyo dhibaatooyinka gudaha Itoobiya, lana abuuro cadow dibadeed oo shacabka lagu mideeyo.

Amani al-Tawil, oo madax ka ah barnaamijka Afrika ee xarun daraasaad oo Masar ku taalla, ayaa iyaduna ku tilmaantay eedeymaha isku day lagu doonayo in looga baxsado dhibaatooyinka gudaha. Waxay su’aal gelisay sababta ay Masar xilligan u faragelin lahayd milatari, maadaama labada dal ay muddaba isku hayeen GERD.

Al-Tawil waxay sidoo kale sheegtay in isbahaysiga mucaaradka Itoobiya ee ay toddoba kooxood ku dhawaaqeen toddobaadkii hore uu caqabad ku yahay dowladda, maadaama uu ka kooban yahay kooxo ka kala socda qowmiyado iyo gobollo kala duwan.

Cabsi laga qabo in dagaalku ku fido gobolka

Dagaallada dib uga soo cusboonaaday Itoobiya ayaa ku fiday gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta. Mohammed Hussein, oo ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee gobolka Canfarta, ayaa sheegay in saddexdaas gobol ay ku nool yihiin in ka badan 38 milyan oo qof, isla markaana ay ku yaallaan deegaanno ku dhow xuduudaha Jabuuti iyo Eritrea.

Qoraa ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, Ammar Arki, ayaa sheegay in Itoobiya marar kala duwan ku eedaysay Suudaan, Masar iyo Eritrea inay qayb ka yihiin xasillooni darrada gudaha. Waxa uu sheegay in eedeymaha cusub loo fasiran karo isku day lagu doonayo in taageero loogu abuuro dowladda federaalka, iyadoo dareenka loo jeedinayo khatar dibadeed.

Hase yeeshee, Arki wuxuu ka digay in haddii Addis Ababa ay sii waddo inay dhibaatooyinka gudaha ku fasirto shirqool dibadeed, dalalka deriskuna ay iyaguna jawaab la mid ah bixiyaan, ay sii kordhi karto khatarta ah in colaadda Itoobiya ay ka gudubto xuduudaheeda oo ay isu beddesho xiisad goboleed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM