Cabdi Illey oo "isku dayay" inuu Xabsiga ka baxsado

Image

ADDIS ABABA - Booliska Itoobiya ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida dalkaasi, Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illey], inuu isku dayayo inuu ka baxsado xabsiga uu ku xiran yahay ee ku yaalla magaalada Addis Abab.

Cabdi Illey ayaa la xiray bishii August ee lasoo dhafay, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ku kacay tacadiyo ka dhan ah bini'aadanimada, jirdilka maxaabiis ku xirnayd xabsiga Jeel Ogaadeen ee ku yaalla Jigjiga iyo kicin dadweyne.

Booliska Itoobiya ayaa ku wargeliyay maxkamadda sare ee Federaalka dalkaasi maanta oo Jimco ah in Cabdi Illey isku dayay inuu ka baxsado dhanka daaqadda xabsiga uu ku jiro, balse laga hortagey.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Illey uu xanuunsanayo, sidoo kalena ay jiraan walaac amnigiisa ku aadan, sidaasi darteed ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya ayaa marba meel u wareejiya, isagoo la geeyoo meelo kala duwan oo xabsiyo ah.

Hogaamiyahan oo eedo badan loo haysto ayaa beeniyay warka Booliska ee ah inuu damcay inuu xabsiga ka baxsado, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Itoobiye ee [ENA].

Dhanka kale, waxaa markii 5aad dib loo dhigay maxkamadeynta Cabdi Illey sababo aan wali la shaacin, waxaana lagu soo waramayaa inuu maxbuuskan codsi u diray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ka dalbaday inuu xafis u fidiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM