Cabdi Illey oo cafis ka dalbaday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii seddexad la horkeenay.

Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, ayadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Hore waxaa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xiran ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.

Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan.Hpore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yiri xaakimku.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xiran “laga gaarsiiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha inuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro”.

Hore ayuu Cabdi Maxamuud Cumar cafis uga dalbaday dadka deegaanka Soomaalida.

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM