Ciidamadda Suudaan oo lagu eedeeyay dilka dad shacab ah

Image
Tirada dhimashada tan iyo markii ay biloowday qalalaasaha ciidamada ammaanka bishii Oktoobar hadda waa 56.

KHARTUUM, Suudaan - Ciidamada ammaanka Suudaan ayaa Axaddii labo qof ku dilay Omdurman, oo ah magaalada mataanaha ah ee caasimadda Khartoum, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen bannaanbaxyo ka dhan ah militariga.

Guddiga Dhakhaatiirta Dimuqraadiyadda ayaa sheegay in mid ka mid ah mudaaharaadayaasha laga toogtay xabadka halka midka labaad uu soo gaaray "dhaawac culus oo madaxa ah".

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidamada ammaanku ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Sawirro la sii daayay ayaa muujinaya iyadoo dibad-baxayaashu ay u socdeen xarunta madaxtooyada wareeggii 12-aad ee mudaaharaadyada waaweyn tan iyo afgambigii 25-kii Oktoobar.

Adeegga Internetka iyo Mobile-ka ayaa u muuqday in Khartoum uu go’ay Axaddii ka hor inta aan la qorsheynin mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxda dabagalka mareegaha ee NetBlocks ayaa sidoo kale sheegtay in adeegyadii internet-ka ee mobilada la jaray ilaa subaxnimadii.

Mudaaharaadyadii Axaddii ayaa yimid ka dib markii lix qof ay ku dhinteen boqolaalna ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyo dalka oo dhan ka dhacay oo looga soo horjeeday xukunka militariga Khamiistii.

Tirada dhimashada tan iyo markii ay biloowday qalalaasaha ciidamada ammaanka bishii Oktoobar hadda waa 56, sida uu shaaca ka dhigay Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan.

Milatarigu waxa uu xukunka kula wareegay 25-kii Oktoobar afgambi kaas oo soo afjaray awood qaybsi oo ay la lahaayeen xoogag siyaasadeed oo rayid ah. Heshiiskaas oo lagu heshiiyey sanadkii 2019-kii ayaa waxaa lagu waday in uu u gogol xaaro dowlad ku meel gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM