Ciidamo cabasho ku tagey Xafiiska RW Itoobiya, Internet oo la jarey

Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Adeega Internet-ka ayaa waxaa muddo Sadex Saac galabnimadii Arbacada laga gooyey caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa kadib markii ciidamo dalbanaya in mushaharka loo kirdhiyo u soo baxeen jidadka, sidaas waxaa wariyey talefishinka ETV. 

Boqolaal askar ah, kuwasoo loo geeyey halka la yiraahdo Burayu si ay uga hortagaan dagaalo dhexmarey qowmiyado halkaas wada daga ayaa socod ku tagey Xafiiska RW Abiy Axmad oo lagu casumey.

Askarta ayaa la sheegey iney heshiis la gaareen Abiy Ahmed, inkastoo aan la ogeyn qodobada la isla-gaarey.

ETV waxay sheegtey in askarta waydiisatey in dib loo eego qaab dhismeedka iyo howl-galada Ciidan ee jira.

Fitsum Arega, Agaasimaha guud ee xafiiska RW ayaa bartiisa Twitter ku soo qorey in Abiy Axmad dhageystey cabashooyinka ay sheegteen isagoo ka dalbadey in sidaan si ka duwan mustaqnalka u soo gudbiyaan canashooyinkooda.

Saxaafada Dowlada, oo aan daabicin sawirada askarta socodka ku tagey xafiiska RW Abiy ayaa sheegtey in sababta Internet loo xirey ay tahay in laga hortago wararka been abuurka (Fake News). 

Ma aha markii ugu horeysay oo dalka Ethiopia la xiro Internet arimo siyaasadeed dartood. Dowlada ayaa horey ugu eedeysay baraha bulshada ay wareejinayaan Warar been abuur ah kuwasoo sababaya dibad baxyo.

Ciidamada oo ku wajahan xafiiska RW Itoobiya

Abiy oo jira 42, ayaa waxaa uu xafiiska qabtey April ayaa dhaxley sanado badan oo rabshado lagaga soo horjeedey dowladii ka horeysay. Waxaa uu Balan qaadey isbadal inuu ku sameynayo hay’adaha amniga iyo in nidaamka xisbiyada badan shacabku ku soo dooran doonaan madaxdooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM