Ciidanka Eritrea oo ka baxay magaalooyinka ay joogeen Tigray

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Askarta Eriteriya ayaa ka hayaamay magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa, ee gobolka Tigray, sida ay sheegeen goobjoogayaal, balse ma cadda in dib u gurashadu ay tahay mid ku meel gaar ah.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale waxay ku eedeeyeen ciidamadda xukuumadda Asmara in ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah xasuuqyadii ugu xumaa ee mudadii ay ismaamulkaas joogeen loo geystay dadweynaha Tigreega.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa wali ka jawaabin su'aalaha ku geedaaman bixitaanka ciidamadda dalkaas. Su'aalahaas waxay ku qotomaan daahfurnaanta dhanka eedeymaha loo haysto iyo in ay dib u soo laaban doonan.

Eritrea ayaa la rumeysan yahay in muddo dheer cadaw u arkeyso hoggaamiyeyaashii hore ee Tigray ayaa inta badan kooxaha ama ururada xuquuqda aadanaha ku tilmaameen mid ka mid ah waddamada adduunka ugu tacadiyadda badan.

"Wali ma ogin inay ka baxayaan gebi ahaanba Tigreega," ayuu yir sii hayaha kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka, Robert Godec, oo la hadlayey guddiga arimaha dibada ee Aqalka Hoose.

Mareykanka ayuu xusay in uusan helin wax war oo la xiriira bixitaanka ciidanka Eriteriya ama in ay ka go'an tahay xabad joojinta kadib "wax u muuqda in ay si weyn u hayaameen ciidamadii difaaca qaranka Itoobiya ee Tigray".

Hogaamiyaasha Tigreega ayaa waday dagaal dhuumaaleysi ah tan iyo bishii Nofeembar markii ay siyaasad ahaan ay is khilaafeen xukuumada ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo ku duushay ismaamulkaas wallow gacanteedu ka baxdey hadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM