Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa
ADDIS ABABA, Itoobiya — Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay xiray safaaraddeeda ku taalla magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasiyiin Eritrean ah oo ku sugan Addis Ababa ku dhawaaqday inay yihiin persona non grata.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ka dhashay waxa ay ku tilmaantay “falal toos ah iyo kuwo dadban oo cadaawad iyo colaad ah” oo Eritrea ay kula kacday Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ma aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin tallaabooyinka ay Eritrea ku eedeysay, balse waxay sheegtay in ficilladaasi ay khatar ku yihiin danaha iyo amniga Itoobiya.
Eritrea ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin go’aanka Itoobiya.
Xiriirka labada dal ayaa horumaray kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii Abriil 2018, xilli Addis Ababa iyo Asmara ay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed kadib sanado ay colaad iyo xiisad ka dhex jirtay.
Labada dal ayaa 2018 kala saxiixday heshiis nabadeed oo soo afjaray xaalad colaadeed oo muddo dheer jirtay, iyadoo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay qaadeen tallaabooyin lagu hagaajinayo xiriirka.
Si kastaba, xiriirka ayaa mar kale xumaaday sannadihii u dambeeyay, iyadoo Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda federaalka. Eritrea ayaa horay u diidday eedeymahaas.
Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas, arrintaas oo walaac ka abuurtay qaar ka mid ah dalalka gobolka.
Itoobiya oo aan lahayn xeeb tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1993, ayaa sheegtay in helitaanka marin badeed uu muhiim u yahay danaha dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee dalka.
Qorshaha Addis Ababa ee helitaanka marin Badda Cas ayaa horey u abuuray xiisado gobolka ah, gaar ahaan kadib heshiis is-afgarad oo Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen Janaayo 2024, kaas oo Itoobiya uu sheegay inuu siinayo marin badeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay mid wax u dhimaya madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Tallaabada cusub ee Itoobiya ay ka qaaday Eritrea ayaa kusoo beegmaysa xilli Geeska Afrika uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo amni oo isa soo taraya, iyadoo xiriirka dalalka gobolka uu saameyn ku yeeshay arrimaha amniga, marin-badeedka iyo isbahaysiyada siyaasadeed.
Xiritaanka safaaradda Itoobiya ee Asmara iyo eryidda 10-ka diblomaasi ayaa noqon kara calaamad muujinaysa hoos u dhac cusub oo ku yimid xiriirka labada dal, inkastoo Addis Ababa ay sheegtay inay weli qiimeyso xiriirka taariikhiga ah iyo xiriirka shacabka labada dal.
GAROWE ONLINE