Daacish oo sheegatay weerar lagu dilay ku dhowaad 20 qof

Image
Maleyshiyaadka ayaa isla todobaadkan waxaa lala xiriiriyey xasuuq lagu laayey 30 ruux kale.

NAIROBI, Kenya - Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar ka dhacay tuulo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, kaasoo mas'uuliyiintu sheegeen inay ku dhinteen illaa 20 qof.

Kooxda argagixisadda caalamiga ah ayaa war ay ku baahiyeen bartooda Telegram-ka ku xaqiijiyey in ay ka dambeeyeen falkaas ay mas'uuliyiinta ku tilmaameen "wuxushnimo".

Weerarkan oo Jimcihii ka dhacay degaanka Musandaba ee duleedka Beni, ayaa qeyb ka ah mowjado rabshado wata oo ka dhan ah dadka rayidka ah, ciidamada iyo maamulka deegaanka ay ku eedeeyeen ciidamada Allied Democratic Forces oo ah koox kasoo jeeda Uganda balse fadhigeedu yahay Congo isla markaana xiriir la leh ISIL.

"Waxaan tirinay meydadka ilaa 20 qof oo dhintay Jimcihii tuulada Musandaba," ayuu yiri maamulaha militariga ee dhulka Beni, Colonel Charles Omeonga kaasoo eedeeyay ADF.

Janvier Kasereka Kasayirio oo u dhaqdhaqaaqa deegaanka isla markaana ay soo xigatay saxaafadda caalamka ayaa sheegay in 22 meyd ah ay soo gaareen isbitaal u dhow.

Afhayeen u hadlay ciidamada gobolka Waqooyiga Kivu ee uu weerarku ka dhacay, Anthony Mwalushay, ayaa xusay in kooxda weerarka geysatay ay isticmaaleen baangado "si ay uga fogaadaan iska horimaadka ciidamada".

Weerarku waxa uu ka dhacay mid ka mid ah labada gobol ee ay colaaduhu ka dhaceen loona gacan-geliyey saraakiil millatari wax ka badan sannad ka hor si loo joojiyo rabshadaha.

Toddobaadkan, howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Congo ayaa cambaareeyay xasuuq kale oo ay ADF ka geysatay gobolka deriska la ah ee Ituri, kaasoo ay sheegtay inay ku dileen 30 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM